Odayaasha Degmada Go’da Weyn Oo Ka Hadlay Xadhiga Xukuumaddu Kula Kacday Saddex Nin Oo Ilaalo Ka Ahaa Buurta Gacan-Libaax

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Qaar ka mid ah Odayaasha iyo wax-garadka Degmada Goda weyn iyo deegaanka Buurta Gacan-libaxaa, ayaa si kulul uga hadlay xadhig ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi kula kacday saddex oday oo ka mid ahaa ilaalada Buurta Gacanlibaax, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay dhammaadka bishii October. Islamarkaana waxay ka digeen in aanay marnaba oggolaan doonin in Macdanta Buurta Gacan-libaax ay soo saarto cid aan deegaanka ahayn, iyagoo xusay inay dadka deegaanku xaq u leeyahay inay soo saaraan.

45322469_345030912927400_6459129319917617152_n

Odayaashan oo la hadlay Tv-ga Saab ayaa waxay ka mid ahaa haddaladoodii “Deegaankayaga cid soo faragelisa ma rabno raalina kama nihi,Buurta Gacanlibaax annaga ayaa meesha deganay oo meesha illaahay nagu abuuray oo la odhan jiray waa buurtii Muuse Cabdlaha, markii hore annaga waaba na lagu caayi jiray ilayn iminka uunbaa wax laga dhex helay oo nin waliba sheegtay aabahay inta lagu caayo ayuu ahaa Lo jirka buurta ku jira ayuu ahaa Aabahay ee degan, shabeelka Libaaxa iyo waraabahaa ayey weheshan jireen, markaa waa nasiib daro in dhulkii caynkaas ahaa in iminka annaga na lagu qabsado oo la yidhaahdo halkan annagu aanu lahayn ee illaahay nagu abuuray in la yidhaah-do reerkii uu illaahay ku abuuray waa laga qaadayaa qolooyin kale ayaa qod-qodanaysa cidbaa cid soo kaxaysanaysa waa mid subxaane leh oo iminka noo kow ah , taana annagu waxaamu ka jiraynaa in aanu annagu naftayada u hurno ilaaladeeda iyo nabadgelyadeeda cadow uma ogolin inuu noo soo galo cid kale oo nagu qabsatana uma ogolin, marka aan tago Hegabo la iima ogola in aan dhaxa ka qaato, anna tayda ci duma ogoli umana ogolaanayo,Khayraadkii haddii uu kasoo baxay oo la wada arkay maanta macdantiisa cidda noo soo saaraysaa waa in ay annaga noqoto deegaanka oo ay na hoos timaado .” Ayey yidhaah-deen odayaasha deegaankaasu .

Waxaanay intaasi ku sii dareen iyagoo haddalkooda sii wata “Inuu nina ninkale Deegaankiisa kusoo xad-gudbo waa khalad cid kasta oo kusoo xad-gudubtay ha uga baxdo dib, haddii kale hadhow wixii ka yimaada iyada ayaa masuul ka ah, Halka la isku haystaa waa buurtii Gacanlibaax wixii iyo wakhtigii loo soo maray waa la wada garanayaa cida ku duugan maanta ee ama lefaheedii yaaleen eek u burburtay naf iyo maal waa la garankarayaa in maanta inamo inaga mid ahi intay cid soo xanbaaraan aan Gacanlibaax waxka yaala ama aqoonteeda aan lahayn inay bixiyaan waa arrin khaldan, wixii ka yimaadana iyaga ayaa masuul ka ah, annagu Gacanlibaax cid aanu wax uga ogolnay ma jirto oo aan ahayn cida deegaanka u ah arrin kasta oo Gacanlibaax laga qabanayo waxaanu jecelnay in deegaanka lagala tashado mid deegaanku uu leeyahay ay noqoto, lakiin wax ka baxsan deegaanka oo aanu maanta buurta uga ogolnay ma jirto.” Ayuu yidhi Sheekh Cumar

Ugu Dambeyn Odayaashan ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ugu baaqay inay si deg deg ah Xorriyadoodii ugu soo celiso saddex Oday oo kamid ahaa ilaalada Buurta Gacanlibaax, kuwaas oo ay Xukuumadda Xabsiga dhigtay bishii aynu kasoo gudubnay “ Haddii aanu nahay odayaasha deegkan waxaanu ka hadlaynaa Buur halkan ah iyo godad halkan ah oo lagu soo duulay oo ay kusoo duuleen niman halkan ah oo aanu deris ahayn oo dalka waxa naga dhaxeeyey daaqa iyo wada oolka iyo walaal tinimada naga muu dhaxayninin deegaanku , wixii aan intaa ahayn ee naloo soo dhaafaa waa qalad,haddii aanu halkayagaa buurahayagaa ayaan iska gelnee amaan ku weyno, waa ka dagaalamaynaa waana lagu dhimanayaa, waxaanan diyaar u nahay in aanu ku dhimano oo aanu naftayada u hurno tii hore ayaanu naftayada usoo hurnay tana in aanu u hurno diyaar ayaanu u nahay halkaa iminka rag ayaa ku xidh-xidhan raga xidh-xidhani waxa weeye ragii wadanka usoo halgamay waxa kamid ah Mujaahid Maxamuud Muxumed Guuleed “Darleef” waar mujaahidiinta kalena waata la yidhaah hebel mujaahid ayuu ahaa tiisu maxay ahayd hadii aan hadda laga soo qaadin ooda waanu ka jawaabi doonaa, xaquuq uu helo daayoo dhulkiisii ayaa lagu xidhay isagoo ilaashanay, waa in si deg deg ah loo soo daayaa raggaasi, “ Ayey Yidhaahdeen Haybe Saam Iyo Oday Suulal Cayn .