SOOL: Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Ka Socda Tukaraq Iyo Wararkii U Danbeeyay Aagaas.

Laascaanood (Salaanmedia.com)_ Wararka ay shabakadda Wararka Salaanmedia.comm
ka helay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka jirto dhiilo colaadeed oo u dhexaysa Jamhuuriyadda Somaliland Iyo maamulka Puntland.

56FE8B20-8BA7-432A-9DC6-9D378479F02D-150x150

Wararka ay. Helayso Shabakada Salaanmedia.com
badan waxa ay sheegayaan in labada dhinacba saaka ay isku hub uruursanayaan si midba midka kale uu isga difaaco .
Dhaq dhaqaaqan ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ku soo beegmaya xili Puntland ay ku jirto ololihii doorashada Madaxtinimada.

Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Puntland ayaa Tukaraq isku hor fadhiya mudo ku siman sagaal bilood , maalin ka hor ayay ahayd markii uu ergayga gaarka ah e Qaramada midoobay Ee Soomaaliya uqaabilsan uu kala hadlaya xaalada Tukaraq madaxweyne Muuse Biixi Cabdi . Isagoo sidoo kalena Garoowe kula kulmay Madaxweyne Cabdi Wali Gaas .