Wasiirka Maaliyada oo xilkii ka qaaday Ku xigeenka xisaabiyaha Guud iyo saraakiil

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Sida warar Xog ogaal ah aanu ku helay, waxa maanta Wasiirka Maaliyada Somaliland Xilkii ka qaaday Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Xisaabaadka Guud, Xil ka qaadistan uu wasiirku Sameeyey ayaa Galaafatay ku xigeenkii Xisaabiyaha Guud ee qaranka Kayse oo muddo 20 sano iyo dheeraad ah xilkan hayay iyo qaar ka tirsan masuuliyiinta kale ee Xafiiska xisaabaadka.

timthumb (1)

Xil ka qaadistan ayaa la sheegay inay daba socoto dibu habayn guud oo xaga maamulka ah oo uu guud ahaan wasaaradaas wasiirku ku samaynayay dhawaanahanba taas oo lagu dardar gelinayo Hab maamulka Casriga ah ee Maaraynta Maaliyada Dawlada (PFM).

Xilka qaadista masuuliyiintan ayuu wasiitku bedelkoodu island maantaba ka hawl galiyey xafiisyadii loo magacaabay.