Xisbiga Waddani Oo War Murtiyeed Luuqad Adag Ku Qoran Ka Soo Saarey Xeerka Booliska Ee Golaha Dib Loogu Soo Celiyey

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu war Murtiyeed luuqad adag ku qoran uu ka soo saarey xeerkii Booliska ee dib loogu soo celiyey golaha wakiilada Somaliland

x1-1

x2

Xisbiga Waddani waxaa uu dib u soo celinta xeerkan ku tilmaamay bilow-ga nidaam kali talis nimo iyo distoor jabin ay maagan tahay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi .

Sidoo kale War Murtiyeedka oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha cadaalada ee xisbiga Waddani waxaa lagu sheegay soo jeedinta Boolisku ay si cad uga hor timid distoorka dalka ee 97 % dadka reer Somaliland u codeeyen