XISBIGA WADDANI SIDEE AYUU U ARKAA IN QAAR KA MID DADWEYNAHA BURCO QORSHAYNAYAAN IN CALANKA XISBIGA LAGU SOO DHAWEEYO MADAXWEYNE MUUSE

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Burco ayaa wadooyinka magaaladaasi ku taxay calanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kuwaas oo dareen taban ka bixinaya socdaalka uu madaxweyne Muuse Biixi ku tagayo magaaladaasi.

46491992_267467673899719_4259511683841523712_n

Talaabadaas ay ku kaceen qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Burco ayaa waxa ka hadlay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kaas oo shacabka magaalada Burco ugu baaqay inay isku duubni ku qaabilaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee la socota.
Xoghayaha cadaalada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jamaac Batuun oo qoraal uu kaga hadlayo falalka laga soo sheegayo qaar ka mid ah dadweynaha Burco ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa isku duubni

ugu baaqay dadweynaha magaaladaasi.
Qoraalka uu xoghaye Barkhad Jaamac Batuun baahiyey ayaa u dhignaa sidan “Muuse Biixi Cabdi waa Madaxweynaha Qaranka, waa Astaanta Umadda, waa Odeyga dalka. sidaan u jeclahay inaan Musharaxayga Cirro Marku Madaxweynaha noqdo loo garab istaago oo midnimadda umadda loo ilaaliyo ayaan u jeclahay in 4ta sanno ee Madaxweyne Muusena haybadiisa iyo karaamadiisa loo ilaaliyo Calanka Waddani sabab burco loogu soo dhaweeya Muuse ma taal taageerayaasha xisbigana waan uga digayna inaanay falkaas sameynin oo si sharafleh u soo dhaweeyaan dad xume wada ayaana dadka ku dhex dhuumanaya Umaddani waa dad wada dhashay Muuse berri ayu xilka ka tagi lkn Dalkani dadka ka tagi maayo Midnimadda umaddu waa mihiim.