DAAWO: URURKA SUXUFIYIINTA GABDHAHA SOMALILAND EE WIJA OO SHAACIYAY TARTANKA ABAALMARINTA GABDHAHA WARBAAHINTA 2018

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Ururka Gabdhaha Saxafiyiinta Somaliland ee WIJA, ayaa shaaciyay Abaalmarinta Tartanka Gabdhaha suxufiyiinta Somaliland.
Kulan lagu shaacinayay tartankaas oo lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ururka WIJA, masuuliyiin ka socda dawladda Ingiriiska, wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland, saxafiyiin iyo shaqsiyaad kale.
Waxaa fuliyay tartankan ururka WIJA, waxaana maalgelisay UK Aid.
Tartanka oo sannadle noqon doona, waxa abaalmarino qaali ah lagu gudoonsiin doonaa saddexda qof ee kaalmaha ugu horeeya ku guulaysta, taasoo dhirigelin weyn u noqonaysa guud ahaan gabdhaha saxafiyiinta Somaliland.