Dawladda Soomaaliya Oo Loogu Baaqay In Raalli Gelin Iyo Magdhow Ay Siiso Cabdikariin Qalbi Dhagax

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Xukuumaddii hore Cabdiraxmaan Yusuuf Cali Ceynte ayaa boggaadiyay tallaabadii Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil raalli gelinta iyo madax salaaxida ugu tagay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sannadii hore ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday sawir laga qaaday Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ku wada sugan Jabuuti shirka ay qabatay Machadka Heritage, iyadoo Mr Xoosh uu madax gacanta ka saaray Qalbi Dhagax oo aheyd mid raalli gelin ah.
Cabdiraxmaan Ceynte ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook tallooyin ugu diray dowladda Soomaaliya.
“Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan, Waa dhaqan Soomaaliyeed, Waana boggaadinayaa C/raxmaan Xoosh, Waxaase iga talo ah in: a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax. b) ONLF ka saarto liiska argagixisada. c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax. d) hubiso inaan loo laaban dambigaas. “ayuu yiri C/raxmaan Ceynte.
Golaha Wasiirada ayaa lixdii bishii September ee sanadkii hore waxay ka dhawaajisay in C/kariin Sheekh Muuse uu xiriir la lahaa Al-Shabaab, falal amni darro ku lug lahaa, iyadoo ku eedeysay Ururka ONLF inuu yahay urur Argagixiso.
Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya raalli gelin kama aysan bixin, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu raalli gelin siiyay Madaxa ONLF, xilli ay ku kulmeen magaalada Asmara, balse raalli gelintaas ma aheyn mid rasmi ah.