Gudoomiyaha Ururka SOLA Oo Warqad Eedeymo U Jeediyey Warqad Amar Ah Oo Ka Soo Baxday Wasaarada Warfaafinta Somaliland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Gudoomiyaha Ururka Suxufyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa waxaa uu ka Hadley warqad amar ah oo ka soo baxday wasaarada warfaafinta Somaliland .

Warqadan oo ku socota dhamaan telefishanada Somaliland ka hawl gala isla markaana lagu amray in maalinta Axada ah ay iska xaadariyaan xarunta wasaarada warfaafinta Somaliland , Gudoomiye Xuuto ayaa soo bandhigay qeybo ka mid ah qoraalka warqadaas ku qoran oo uu dhibsadey

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan