Madaxweynihii Hore Ee Soomaliya Xasan Sheekh Oo Shir Doceedyo Ka Wada Muqdisho

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xalay waxaa uu lakulmay Siyaasiyiin horey xilal ugu sooqabtay dalka.

4F80417C-F36B-48BD-A110-23A14FD6199C

Madaxdii uu kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ,Ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde Senetor Muuse Suudi iyo Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse.
Siyaasiyiinta ayaa waxaa ay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u sheegeen in dhawaan ay bilaabi doonaan xalinta khilaafka ka dhex aloosan madaxda ugu sareysa ee Dowlada.
Waxaa xusid mudan in Xubnaha uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu u mahadceliyay Xubnahan uu qaabilay, islamarkaana doonaya in ay xal ka gaaraan Khilaafka Siyaasadeed ee udhexeeya Madaxda ugu sareysa ee dowlada Soomaaliya.