Muqdisho: Koox Hubaysan Oo Dishay Ganacsade Gabdh Uu Dhalayna Dhaawacday

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Koox hubeysan ayaa Saakay waxaa ay Ganacsade ku dileen isgooska Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho. Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Ganacsade soo dejiya Gawaadhida, waxaana lagu Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane)

526E4178-AE39-421D-864E-FEB0CAF0D719-150x150

Dadka Deegaanka ayaa Saxaafadda u Sheegay in koox ku hubeysan bistoolad ay Ganacsadaha uga tageen hoygiisa oo ku yaalla meel u dhow Isgooska Ex-koontorool Afgooye , iyagoona kadib rasaas badan ku riday, waxaana la sheegaya inuu Goobtii lagu toogtay uu ku dhintay.
Sidoo kale Warar kale ayaa sheeagaya in kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen Gabadh uu dhalay Ninka la dilay, taas oo iyana dhaawaca Gabadha la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo halka uu dilka ka dhacay ay gaadheen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya.