Puntland Iyo Al-shabaab Ku Dagaalamay Boosaaso Dusheeda.

Boosaaso (Salaanmedia.com)_ )Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka barri.

Saraakiisha ciidanka puntland ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xubnaha Al-Shabaab eek u lahaayeen Deegaanka Balli Khadar ee Gobalka Barri.
Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka kale Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarka ay ku dileen Hal Askari, halka mid kalana ay dhaawaceen.
Duleedka Boosaaso ayaa dhowr jeer waxaa ku dagaalamay Ciidamada puntland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab