Sh Mukhataar Roobow Waa Muwaadin Somaliyeed Oo Xaq U Leh In La Doorto , Deg Deg Loo Sii Daayo ..” Gudomiye Mursal Oo Iminka Hadley .

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa goor dhaweyd Warbaahinta kula Hadley magaalada Moqdisho ayaa waxaa uu ka Hadley xaalada ka taagan magaalada Baydhabo.

Ugu Horeyn Gudoomiye Mursal ayaa waxaa uu tacsi u diray dadkii ku dhintey rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo dhawr kii maalmood ee ugu danbeeyey .

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa uu shaaciyey In Sh Mukhtaar Roobow uu yahay Muwaadin Soomaliyeed oo xaq u leh in la doorto isla markaana uu buuxiyey dhamaan shuruudihii Musharax-nimo.

Gudoomiye Mursal ayaa waxaa uu xukuumada Somaliya ugu baaqey in deg deg xoriyadiisa loogu soo celiyo Sh Mukhtaar Roobow isla markaana uu dib ugu noqdo deegaankii laga soo xidhay ee Baydhabo si uu tartanka doorashada uga qeyb galo