War Deg-deg: Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Eritrea Oo Maalinta Bari Ah Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ -Hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socda ay soo gaadhi-doonaan magaalada Muqdisho.

booqasho-1-150x150

illo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijyey in berri subax ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki.
Kulankan ayaa daba-socdo midkii Gondar ee gobolka Baxar-daar .
Sooyaalka Heshiisyada dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea:
1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan.
2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018