Daawo: Ururka MIDAWGA DHAQ-DHAQAAQA IS-BEDELDOONKA SOMALILAND (Somaliland United movement for change)

 

 

 

 

 

 

MIDAWGA DHAQ-DHAQAAQA IS-BEDELDOONKA SOMALILAND
(Somaliland United movement for change)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MIDAWGA DHAQ-DHAQAAQA IS-BEDELDOONKA SOMALILAND
(Somaliland United movement for change)

HORDHAC

Midawga Dhaq-dhaqaaqa Is-bedeldoonka Somaliland waa Dhaq-dhaqaaq laga Curiyay Cariga Ingiriiska  lagana  hirgaliyay dhismihiisa 30/12/2018.
Iyadoo loogu tala galay in uu ka hano-qaado dhamaan dacalda Aduunka una adeego Shacabka Somaliland.
Midawga Dhaq-dhaqaaqa Is-bedeldoonka Somaliland waa Dhaq-dhaqaaq Rayida (Social Movement) kuna shaqayn doona rabitaanka Shacabka Reer Somaliland oo ah wax wada- lahaansha Bulshda .

UJEEDO(Aims)

Ujeedada Midawga Dhaq-dhaqaaqa waa soo if-bixinta iyo Bayaaminta Tacadiyada iyo Aafooyinka uu Maamulka Jeegantu  ku hayo Guud ahaan Qaranimada Somaliland  Gaar ahaana Shacabka Somaliland. 

OBJECTIVES (Wax-qabad).

Midawga Dhaq-dhaqaaqa  Is-bedeldoonka Somaliland
Wuxuu yahay wax-qabadkiisu:

1.Sidii loo soo celin lahaa wax-wada lahaanshihii la duudsiyay ee faraq Ama koox yar oo ka xuub siibatay Somaliland lana magac baxday Jeegaan ay u lunsadeen Hantidii Dalka iyo Daka.

2. Baadhitaanka Dadka Rayidka ah , Diiwan gelinta iyo u doodida Ama u hadalka Shacabka lagu xidho xaqdarada kuna xidhan xaqdarada. xaqdarada.

3.Isku Xidhka Beelaha Somaliland ee Dantu ka dhaxayso.

4.Ka hortaga Maamulka Jeeganta ee u adeega Cid gaara ee weliba ay ku shaqaystaan shaqsiyaad tiro yari.

5.Taageerida Cid kasta oo diidan Xaqdarada, Tacadiga,Kala qo-qobka, iyo U adeegida in ay hir- gasho is dhaafinta ama kala saraysiinta Shacabka Somaliland oo ah Fikirka (Ideology) ay ku shaqeeyaan Maamulka Jeegantu.

6.Soo bandhigida iyo baadhitaanka Hantiyihii la lunsaday.

7.La xidhiidhida Cid kasta oo danaysa qadiyada Somaliland.

8.Soo bandhigida  u sinaan la’aanta wasaradaha Dawlada Shaqalahooda iyo Weliba u sinaan la’aanta  Miisaniyada Gobolada Somaliland.

9.Mar walba Midawga Dhaq-dhaqaaqu wuxuu soo dhawayn doonaa Urur , Koox ,
Asxaab qaran,  Ciidan , Shaqsiyaad iyo cid kasta oo ka soo horjeeda Maamulka Jeeganta.
In uu noqdo mid sii shaqeeya inta ay aaminsan yihiin Maamulka Jeegantu in uu Dalku iska ahado siday rabaan.

10.Midawga Dhaq-dhaqaaqu wuxuu taageersanyahay go’aamadii ka soo baxay Buurta Gacan-libaax ee ay isla qaateen  dhamaan Beelaha SOMALILAND oo gudhingoodu ahaa in la helo
Dal la wada leeyahay iyo Shacab ay   ka dhaxayso SINAAN IYO CADAALADI.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

ALLAH MAHAD LEH

MAAMULKA
MIDAWGA DHAQ-DHAQAAQA
SUMC