Marwo Faadumo Siciid Oo Eedihii Ugu Cuslaa Ku Hurguftay Wasiirka Beeraha Iyo Madaxweyne Xigeenka

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Marwo Faadumo Siciid oo ka mid saraakiisha sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa eedihii ugu cuslaa Ku hurguftay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ay ku eedaysay inuu lumiyay shir weyn oo dhinaca beeraha ah oo dalka Jarmalka ka dhacay oo Somaliland si gaar ah loogu casuumay, waxa kale oo ay sheegtay in sidaasi oo kale isna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil uu isna u gooyay shir ay Somaliland u qabteen Midawga Yurub oo isaga si gaar ah loogu macsuumay.

Marwo Faadumo siciid ayaa sidan ka sheegtay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabatay Xafiiska Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa“Waxaa jirta in Bishan la qabtay shirweyn oo Beeraha, “Agriculture”, lagu qabtay Jarmalka, oo lagu qabtay Berlin, waxaana loo qabtay Wadamada Bariga Africa “East-African Countries”, waxaa lagu soo casuumay Wasiirkeena Beeraha, waxay ahayd shir Caalami ah oo fiican oo wax qabadkeeduna noqonaysay Lacag faro badan oo lasiinaayo Wadamadaasi, dhaqaalihii halkaasi loogu talo galay ee ay ahayd Somaliland inay doonato oo ay sitoos ahna iyadda loogu soo casuumay, muutagin Wasiirkeenii”.

Waxa kale oo ay tidhi“Waxa imika nagu maqaalo ah in lacagtaasi iyo dhaqaalahaasi ay toos Muqdisho ugu shubantay, oo la yidhi maadaama oo ay Somaliland kasoo qayb gali wayday uma baahna, mana aha Markii koowaad, mana aha Markii saddexaad iyo Afraad ee aynu shirar caalami ah oo la inoo sameeyay ama la inagu soo macsuumay aynaan tagin, waxa ka mid ah labadii door ee ay inagu casuumeen ee waliba casuumad caadi ah aan ahayn, mid khaas ah oo lasiiyo wasiirka Arimaha Dibadda oo markaa Sacad ahaa iyo waliba Madaxweyne ku xigeenkeenii oo ay shir Caalami ah usamaynayeen YURUB Baarlamaankeedu, waa ogtihiin oo markii uu Madaxweynihiina tagi waayay, Sacadna uu tagi waayay aniga ayaa uga qayb galay, oo aniga iyo Gudoomiye Cirro anagoo shirar kale soconay”.