“Reer Booramow Dadka Hakala Godobsannina, Kulmiye Waa Lakala Dhacayaa, Dhinacii Xukunka Hayay Maahee Dhinacii Kale Ayaa Lagala Cararayaa, Wax La Dhacyo Yaan…” Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumaddii Hore Siilaanyo

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Qoyska Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa ka hadlay Sababta Shirweynihii Lixaad ee Golaha Dhexe ee Kulmiye doorkan loogu qoondeeyay in lagu qabto Boorama, waxa uu ku sheegay in Xisbigii Kulmiye lakala dhacayo oo Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynuhu ay ka dhacayso Beesha uu ka soo jeeday Madaxweynihii hore ee Siilaanyo, waxa uu tilmaamay in Labadaasi Beelood oo hagbad siyaasadeed kuwada jiray ay iskhiyaamaynayaan hadda,sidaana waxa uu ugu baaqay reer Boorama inay ka dhiidhiyaan oo ay diidaan in magaaladooda lala tago wax lakala dhacayo,

isagoo dhinaca kalena Boqor Buurmadaw ku tilmaamay nin saxsan oo xaqiisii raadsanaya.
“Shirkan Golaha dhexe ee Kulmiye ee la leeyahay Boorama ayaa lala tagayaa maxaa sabab u ah, sabab kale ma jirto, Cidii Xisbiga Hagbada kuwada lahayd ee Hagbadda kuwada gashay ayaa hadda dhinaca Xukunka haya maahee dhinacii kale ayaa lagala cararayaa, Xisbilala cararayo oo Cid laga dhacayo maxaa idinka la idiinku keenayaa ee dhexdiina loogu dhacayaa?, taasi meesha ma qabato, hakala godobsina Dadka dee, ma nihin Galbeed, Cadaalada meesha taalaaba midna kuma socoto,Maxaa la iigu keenayaa ee Boorama Faa’iido ugu jirta,Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar wuxuu yidhi, Buurmadaw isagoo u jawaabaya “Macaan hadduu lahaa Adiga ayaa soo dhamaystay” waar Godob hagalin”.
“Buur madaw Xaqiisii ayuu daba socdaa, Hagbadiisii ayuu daba socdaa, wuxuu heshiis rag kula galay ayuu daba socdaa, dee Xaq ayuu u leeyahay ee u daa, Hargeysa iyo Burco, hala isku dhaco haddii la rabo, sidii Xisbiga Kulmiye loo galayay waydinkii arkayay, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga soo bilaabo, ee dhulka loola dhacay ee dhabarka laga jabiyay waydinkii arkayay, waar reer Booramaw wax faa’iido ah oo idiinku jirtaa ma jiree dadka Godob haka galina, dadku wa idiin mid, dadka leh Reer Boorama Shirkan Kulmiye Sharaf ayaa idiinku jirtana waar waxay sharaf u tahay dadkiina u sheega. Hagbadii Ninkaasi lagala soo cararay ma idinka ayaa la idinsiinayaa, arintaasi dad ay ku tahay wax la dhacayo oo idinka la idinkula dhuumanayo, Somalilandernimada ayay ku jiraa inaan tidhaah Waar ninka ha dhicine ka daa”
“Burco geeyoo, waliba Bariga Burco ku qaboo ninka ku wareeji wixii aad ku heshiiseen, Buurmadaw xaq ayuu leeyahay inuu daba socdo oo uu yidhaa waar ka daaya maxaa Boorama lagala doonayaa halkan halagu qabto Hargeysa haddii Burco-dii looba diiday”. Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Qoyska iyo Bulshadu.