Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Lagu Kordhiyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa + [ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey gudaha Cusbitaalka Hargeysa, kuwaas oo wax weyn ka tari doona baahiyaha uu cusbitaalku qabo.
Xarumaha cusub ee uu madaxweynuhu maanta xadhigga ka jaray oo dhammaantood ah kuwo cusub oo dhawaan la hirgeliyey, ayaa kala ah Waadhadh cusub oo loo hirgeliyey Hooyada iyo dhallaanka, qayb loogu talo galay bukaan-socodka iyo waax lagu keydiyo tamarta cadceedda oo uu cusbitaalku u adeegsan doono baahida korontada, waxana uu madaxweynuhu sidoo kale kormeeray waadhka carruurta ee gudaha cusbitaalka guud ee Hargeysa.