Deg Deg :- Laba Taliye Ciidan Oo Iminka Lagu Dilay Deeganka Gar Adag Ee Gobalka Sanaag

Burco (Salaanmedia.com)_ Wararka Hada naga soo gaadhaya degaanka Gar Adag Ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga Gar Adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada Gar Adag

Labadan taliye ee la dilay ayaa la sheegay in magaalada Gar Adag kaga baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaad-yo lagaga soo hor jeeda muwaadin magaaladaasi u dhashay oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo

Wararka ayaa sheegaya in labadan taliye ay dileen meelishiyaad beeleed ka soo jeeda reerka uu ka soo jeedo marxuumka shalay dhintey kuwaas oo u galay deeganka Bancade oo u dhaxeeya Gar Adag iyo Magaalada OOG

Faah Faahin Goor Dhaw Kala Soco Salaanmedia.com