Kaad Hurisaa Hadeer Kugu Kacay ( Abdi-Shotaly)..

-kaad Hurisaa Hadeer Kugu Kacay ( Abdi-Shotaly)..

Alley-lehe inteedaan ku sugay aradka gaaroodi, haday tahay gabaara-gurdayskii, iyo tolaay reer hebelaw, reer-kayagu madax weyne yeelan maayo haddii aan askariga “raggii ma adigaa ka hadhay aan la dooran iyo halkii illaahay ibaday baan raacayaa ( cali Gurey), geelaa isugu kaayo jira ( Jamaal), hadaynu nahay jeegaanta ilaa 1954kii baynu gaashaan buur ahayn Sidda naato iyo waarso ( ZAmzam), Samaaloo ( waa jano ka boode) oo isna shir Burco ah ka lahaa hadaannu nahay reerka sharaxan, abaal baanu idiinku haynaa taageeradda aad noo muujiseen, burco bari hadaad tihiin, been madaw oo munaafaqadiisii isna lahaa, sideed sano baanu haysanaye, ee miyaad wax samaysaan, waxaas iyo arimo ka sii daran  waxa ;lala gucleeyo-ba, oo qabyaalad loo ban baxo-ba, haday taayir rogo kari la’dahay, oo ay iyaddii isku bas-beehsay, wax badso wax beela way leedahaye, askariggiiaad weerka cad iyo ka madaw-ba u qaadateen, halkii idin dhigay, saw hadeer dab-kaad hurinay-seen, ee aad beello kale ku wadeen, imika idin kuma kicin , oo ma idin gubin, imisaan lahaa waar ka daaya, sidaa kuma dhashee.

horaa loo yidhi “Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodana ha deerayn, ku dhici doon-taana mooyee” Wixii la idinka hor joogay, saw maanta qoobka lama aydin gelin qabtii aad daadi-nayseen, Dhooshaan ka qoslayaasaaka, wuxu yidhi Cali Dhuux “Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jirey” Shalay waxan daawanaayey, Meeshan la leeyahay waxa guri looga dhisayaa Askariga madaxa madhani saaran yahay, ee ay damceen in loogu yeedho ” Xaad-tooyo” ilayn madaxtooyo iyo maamul mid-na ma jiree,  oo maataddii degenayd inta laga hurgufay debedda loo saydhiyey, dumarkii iyo caruurtii tamuujado dhuunta laga qabtay, weliba kufsad looguma sii daraan. oo baraarta ka dhacaysa iyo hoogay-du may yeedhin, oo kuwii u sacab tumaayey hadda ay ilmadda duugayaan. qofka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaaye, maxaad maanta haysaan? Saw dhul-kiinii inta khasab la idin kaga saaray, oo cagaf la ruubay, hadeer ka dhex waraaqi-maysaan, oo askariggii dheg-jeexaha lahaa sidda waxaraha, intuu ciidan idin geliyey, ka dibna imaaraadka muu iskaga duulin, Markuu soo noqday-na wax uu ka qabto daayoo, weliba muu idinku dhego hadlin, oo garoonka Hargaysa markuu ka soo degay, muu odhan meel wanaagsan bay wax marayaan, oo madaxtooyaddii waa la bilaabay.

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, baroortu ha wadda gaadho meel kastaba, oo qas ha kaco, qasaarna ha dhaco, oo qoysna yuu hadhine, doqon qososhay, qaaraha ku dhaca, way u qlan-taayee, maxaad la ooyeysaan, ma cid kale baa idiin timi, wixii aad xigtadda mooday-seen, ee aad lahaydeen askarigu waa annaka, saw adhaxdda may idin taaban, qof waliba wuxuu beerto, buu madhaxeedda gurtaaye, ka maala waa idinkii lahaa ” Askariga waxanu u taageeraynaa isku xaafad baanu nahaye”, halkaa ka sii wadda, oo is garab taaga iyo xaafad ku tiirsanaanta yaanay meel xun idin-la gelin, waa kaa abaal-kiin idin mariyeye. qof kastaa ha is waydiiyo, Bal maxaa looga bahaan yahay in la dhiso Xaafad-tooyo, ee Guriggii moorgan looga guurayaa? Muxuu qabaa ee kelifaaya in meel kale loo raro? Waxay yidhaaheen $350 milyan baa uu ku kacayaaye, iyo dawladda hoose oo iyana $200 oo milyan lagu disaayo, isu geyn waa xisaab dhan $550 milyan. su’aashu waxa weeye, Ummadda bakhti-yeysa, ee uu boggii iyo beerkii isku dhegay, abaari dishootay iyo haraad, maceeshaddii ku kacday, ee aan koob shaaha goyn karayn, lacagta intaas le’eg, ee khasabka lagaga qaady, maxaa iyaka wax loogu qaban waayey? jawaabtu way iska kooban tahay, oo waxa weeye, in wax lagu cuno oo inta badan jeebka lagu shubto baa loo qorsheeyey, idina la idinku jeediyo Xaafad-tooyo baa la dhisayaa,  ugu dambayn waxan kaga baxay, warmii beello kale lala rabay, saw foodda idin may darin, ka dabaasha, qabyaaladaad u sacab-tumayseen waa idin-kaas caana-heeddii dhamaye.

* N.B Qof Waliba Wuxu Beerto, Buu Madhaxeedda Cunaa.
Qore:- Abdi-Shotaly