Mashaariicdii lagu heshiiyey ee Shirkada DPW laga filaayey waxaa maanta laga hayaa 3-da Wiish ee baaliga ah. qalinkii A/rahman fidhinle UK

Mashaariicda horumarinta ee aynu ka filaneyney DPW in ay inoo fuliyaan  waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyo horumarinta korontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka   in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somaliland  iyo Shirkada DPW  isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah  taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose  oo kala ah:
1- Phase 0   Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya  (3 Mobile Cranes)   5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers)  3 Tareele oo containarada qaada  (3 empty  carriers)  New Security  system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah.
Wejigani wuxuu ku kacayaa  lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda  Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda.
2- Phase 1  Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab.  Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera  7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejigan oo sanad ka hor aheyd.
3- Phase 2  Wuxuu qeexayaa in wejigan  hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75%  ay markaa hirgelinayaan  Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha  wejigan 2-aad  lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar.
Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa  lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta intaan la wareejin.
Mudadaa 2-da sanadood  ah ee Shirkada DPWorld  Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo  ay ka mid ahaayeen kuwan hoose:
1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro.
2- In  Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir  ah.
3- In Wadadii Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale )  taasina maydhicin ee teenii ayaa laynoo kab-kabayaa.
4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu.
5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada
6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone )
7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay  dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine ee balanqaad bay ahaayeen ee barwaaqada la suga.
Waxaa khatarteeda leh Khiyaamooyinka dahsoon ee maalkii  shacabka Somaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn in la jumlado joharadii ummaddu wada laheyd,  Boowe !  Waxaa ummadda JSL u cadaatay in :
1- Kiradii Saldhiga  Ciidamada Berbera uu jeeb khaldan ku dhacday, Laakiin ummadda loogu  sheekeeyey in aynu mashariic  dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ?
 ma Wadada lay noo kab-kabaayo !!
2- Kiradii  Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey?  ” Timir lafbaa ku jirta “.
3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in lagu jaxaaso shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh.
Fiiro Gaar ah : Kadib markii loo kuur galay heshiisyadii ay hore u gashay shirkada Macaashdoonka ah ee DPW  Waxaa laysku raacay  in heshiiskan ay JSL la gashay uu khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilantay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida  Dekeda Jabouti,  Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysiaku taala, Deked indonisia ku taal,  iyo Deked Mareykanka ku taala.
 Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan!  Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London