Muxuu Facebook Ka Yeelayaa Cinwaanada Dadka Dhintay?

Sharikadda Facebook ayaa sheegtay in ay ka shaqaynayso qalab ay uga hortagayso dhibaatooyin guud oo murugo leh: oo ah qoraallada lagu wargeliyo dadka ee ku saabsan asxaabtii iyo eheledii geeriyooday.

Sharikadda ayaa sheegtay in haddii qofku in muddo ah tusaale ahaan sannad oo kale aanu si joogta ah u isticmaalin Facebook-giisa ay kasoo qaadayso sharikaddu in qofkaasi uu dhintay, sidaas darteedna lagu xayirayo bogga uu qofkaasi Facebook-gga uu ku lahaa.

Mararka qaar waxaa dhacdaa in qof beri hore dhintay uu Facebook-ggu soo qoro hambalyada dhalashadiisa, arrintaas oo ay ka naxaan marka ay arkaan asxaabtiisa ama ehelkiisa.

Sharikadda ayaa sheegtay in ay ku rajo wayn tahay in ay joojiso arrimaha naxdinta leh ee ka dhasha marka facebook-ggu uu soo dhigo waxyaabaha la xiriira dad beri hore dhintay, oo sharikaddu ay soo qorto hambalayo ku saabsan dhalashadiisa dhalashadiisa.

Dadka facebook-gga adeegsada ayaa waxaa usoo baxa farriimo la xiriiro qof dhintay, halka boggii Facebook-ga ee qofkaas dhintay uu yahay sidii uu uga tagay markii uu geeriyooday.

Dadka isticmaala Facebook-gga ayaa cabasho ka muujiyaa sida y uga xumaadaan marka uu Facebook-gga soo xusuusiyo waxyaabo la xiriira dadkii ay jeclaayeen ee geeriyooday.

Facebook-gga ayaa ku dhawaaqay isbaddalo lagu samaynayo qaabka shabakaddan loogu matalayo dadkii dhintay. Waxaana uu samayn doonaa qaab cusub oo loo xasuusto looguna tacsiyeeyo dadkii geeriyooday ee bogagga ku lahaa Facebook.

“”Waxaan rajeneynaa in Facebok-gga uu noqdo meel loogu dabaal dago xusuusta iyo dareenka dadka aynu jecelnahay oo aynu ugu dabaal degno noolashooda”. Ayay tiri Sheryl Sandberg oo ah Madaxa howlaha shirkadda Facebook.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Sheryl Sandberg – Madaxa howlaha ee shirkadda Facebook
Qaar kamid ah dhageysteyaasha BBC-da oo sheekadan aan ugu gudbinnay boggayaga Facebook-gga oo aragtidooda kasoo dhiibtay ayaa intooda badan waxay soo dhaweeyeen tallaabadan uu facebook-ggu qaadayo.

Qaar kamid ah dhagaysteyaasha ayaa nala wadaagay xusuus soo martay oo ku saabsan in Facebook-ggu uu soo xusuusiyey asxaabtoodii ama eheladoodii geeriyooday