War Deg Deg Ah:- Madaxweynuhu Qayb Ka Mid Ah Dalka Ayuu Hogaamiyaa, Saraakiisha La Dilayna Wasiir Maxamed Kaahin Ayey…..”Gudoomiye Cirro

Hargaysa (Salaanmedia.com) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa ka hadlay dilka loo gaystay saraakiil ka tirsan ciidamada somaliland, hogaaminta madaxweyne Muuse Biixi iyo xaalk doorashada.

Gudoomiye Ciro oo warbaahinta kula hadlay xafiiska xisbiga Waddani ayaa sheegay in madaxweyne Muuse ku guul daraystay inuu wada hogaamiyo shacabka balse uu qayb ka mid ah madaxweyne u noqday.

Sidoo kale gudoomiye Ciro waxa uu eedaymo culus dusha u saaray wasiirka arimaha gudaha oo uu ku eedeeyey inuu qaadayo masuuliyada saraakiishii la dilay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumada kulmiye waxa ay ku mashquulsantahay dhulboob iyo kala qaybinta bulshada,

meeqaamkii Dawladnimo hoos buu u dhacay waxaynu weynay dalal badan oo Somaliland saaxiib dhawlala hayd taana waxa sabababay dawladihii kala dambeeyay ee kukmiye

Dalka waxa ka jira Sixir barar baahsan oo ay sababtay Sarifka oo hoos u dhacay iyo maceeshada oo halkeediiya qofkastaana wuxuu waayay 20% boqolkii doolarba.

Madaxweynihii aynu u dooranay in qarankan hoggaamiyo wuxuu doorbiday in uu qaybka mida hoggaamiyo, oo uu doortay kulmiye iyo ucid uu madaxweyne u noqdo, Dadka inta kalena ma madaxweyne la’aanayaan

Haddii uu go’aansaday Madaxweyne Muuse in uu laba xisbi Doorasho u qabtay anaguna ma doorasha la’aan doono, dhamaan taageerayaasha xisbiga Waddani waxaan ugu baaqayaa in aanay qaadan kaadh Diwaangalineed oo Kulmiye iyo Ucid wadaan.

Cabudhinta saxaafada waxa ka dhalan doono kacdoon shacbi, socona mayso in kolba mid la xidho loona hanjabo waxaana hadda Albaabada loolaabay Joornaalkii Foore.

Intaan la gaadhin wadahadalada Somaliya iyo Somaliland waxa ka horaysa in aynu gudaheena hagaajino, waxa ka horaysa in aynu dhisno shuruucda dalkan, waxa ka horaysa in aynu shacabka midayno galnana doorasho loo dhanyahay.

Waxaan tacsi u dirayaa marka hore labadii sarkaal ee shalay danbiilayaashu ku dileen deeganka Gar Adag .

Lakiin waxaan ka xumahay in saraakiishaas la dilay muddo 5 cisho ah ay gurmad ka dalbanayeen wasiir Maxamed Kaahin oo ku mashquul sanaa qabashada Doorasho laba xisbi ah.

Warkan Oo Faah Faahsan La Soco Goor Dhaw