War Deg Deg Ah:-Maxaa Ka Jira In Ciidamada Booliska Somaliland Burco Ku Xidheen Wariye Cabdimaalik Coldoon?

Burco (Salaanmedia.com)_ Ciidamada amaanka ee gobolka Togdheer gaar ahaana magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay Wariye Cabdimaalik Coldoon oo ka mid ah suxufiyiinta somaliland.

Sida ay khadka telefanka uga soo sheegayaan dadweyne badan oo jooga magaalada Burco Wariyaha shabakada salaanmedia.comm ee magaalada Burco,
ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay Coldoon oo bilihhii ugu dambeeyey ay ku daba jireen hay’addaha amaanka ee somaliland.

Ciidamada booliska ayaa hore u shaaciyey inuu soo gaadhay waaran ka dhan ah wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon kaas oo ay soo jartay maxkamadu iyaga oo sheegay in la eedaynayo.

Dhinaca kale bog uu ku qoran yahay magaca ciidamada booliska somaliland oo Internet-ka ah ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Wariye Coldoon oo in mudo ah la raadinayey, waxaana qoraalka lagu xusay in sharciga loo horkeenayo si deg deg ah.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada booliska somaliland ay xidhaan Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala magaalada Burco, iyada oo hore loo xidhay isla markaana uu ku dhacay xukkun maxkamadeed.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa laga dhawrayaa inay soo bandhigaan waxyaabaha loo haysto wariye Coldoon