Deg Deg: Dawlada Itoobiya Oo Si Ula Kac Ah Maabka Qaarada Africa Uga Tir Tirtay Somaliya Kuna Darsatay Maabka Itoobiya Iyo Dood Adag Oo Ka Dhalatay Arintaasi

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Itoobiya ayaa Barta ay Internet-ka ku leedahay ee Wabsite-keeda waxaa ay ku faafisay Map-ka Qaarada afrika oo laga tiray Soomaaliya,isla markaana lagu daray dalkaasi taas oo dad badan dood ka dhex abuurtay.

Khariidada Afrika oo la soo saaray Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa muujinaya in dal gooni ah uu yahay Maamulka Soomaaliland halka Soomaaliya lagu dhigay dalka ka mid ah dowladda Itoobiya.

Dad badan oo isugu jira,Siyaasiyiin iyo Wariyeyaal ayay tallaabadaas dood ka dhex abuurtay,waxaana qaarkood ay ku eedeynayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed in uu qorshahaas ka dambeeyo,hayeeshee markii dambe Bogga Wasaaradda laga saaray laguna bedelay Sawirka Hoos idinkaga muuqda ee Astaanta u ah Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Itoobiya.

Sidoo kale Map-ka Afrika ee Wasaaradda soo bandhigtay ayaa waxaa ka maqan dalka Suudaanta Koonfureed oo horay uga go’ay dalka suudaan lana aqoonsaday,waxaana dd badan ay isweeydiinayaan waxa Itoobiya ku kalifay tallaabadaas.