Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex oo Shacabka Somaliland u diray Farriin ku aaddan Xuska munaasibadda 18-ka May

Hargeysa (SalaanMedia)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex, ayaa shacabka Somaliland u diray farriin ku aaddan ka qayb-qaadashada xuska munaasibadda 18-ka May. Guddoomiyuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay si weyn uga qayb-qaataan xuska maalinta qaranimada Somaliland.