Gudoomiye Xinif Oo Duray Hogaamiye Xirsi Iyo Prof Samater “ Prof Samater Aqoontiisa Reer-nimo Ayey Ku Ururtey ..” + [ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Gudoomiyaha Haaya’dda Barakacayaasha Somaliland Cabdikariim Xinif ayaa waxaa uu u jawaabey hadalo dhawaan ka soo yeedhay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi ku sifeyeen Hogaamiye Kali Talis ah , dalkiina hogaamin Karin waayey .

Sidoo kale Gudoomiye Xinif ayaa waxaa uu eedeymo u jeediyey aqoon yahano uu sheegay in uu gobalada dalka ka wadaan Barnaamijka Tabliiqiga Siyaasiga ah kuwaas oo ah Prof Samater iyo madaxweyne Cali Khaliif waxaana uu sheegay in aqoon yahanadu aaney aheyn dadka Ficilada ay hada wadaan ku dhaqma oo kale ale
Dhinaca Kale Gudoomiyaha ayaa cadeeyey In Prof Samater uu ka weekday Dariiqii uu Kulmiye ku ahaa isla markaana uu iminka reer dabo-da galiyey waa sida uu hadalka u dhigaye

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=hvhH0NkWRro