Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan Oo Shacabka Somaliland Hanbalyo U Diray Munaasibada 18 May .

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ “Hambalyo dhammaan shacabwayenaha Jamahuuriyadda Somaliland meel walba oo aad ka joogtaaan dunida munaasibadda 28aad ee lasoonoqoshada madaxbannaanida Somaliland.

Waxaan Hambalyo u dirayaa dhammaan ciidamadda kala duwan ee qaranka, qoysaskooda iyo caruurtoodaba, waxaan leeyahay sannadguuro wacan.
Waxaan Hambalyo U dirayaa dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland,
Somaliland waa qaran isku tashaday, gaamuray oo gaadhay horumar iyo badhaadhe intii uu jiray, ilaahayna waxaan u waydiin inuu u sii adkeeyo, sannadka sannadkiisana inagu gaadhsiiyo Ictiraaf buuxa iyo barwaaqo.
Waxaan dadkayga iyo dalkayga aan jeclahay uga soo ducayn Xaramka barakaysan iyo agagaarka Kacbada oo aan cibaado u joogo, waxaan leeyhay guulaysta.
Ramadaan kariim.
Xirsi Cali Xaji Xasan
Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI

Please follow and like us: