Maamulka Caasimadda iyo Laamaha Ammaanka oo shir ka yeeshay Diyaar-garowga 18 May iyo Adkeynta Nabadgelyada

Hargeysa (Salaan_Media)- Xarunta dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa, waxa maanta ku qabsoomtay Shir lagu gorfeeyey tallaabooyin lagu adkaynayo Nabad-gelyada Caasimadda ee Xuska Munaasibadda 18-ka May oo xilligan  diyaar-garowgeeda si weyn looga dareemayo dalka.