Madaxweyne Muuse Biixi Oo Guuldaro Kala Kulmay Talaabooyinkii Ugu Dambeeyey Ee Uu Qaaday

Hargausa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ku fashilmay talaabadii sadexaad ee uu qaado mudooyinkii ugu dambeeyey.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ay dhaliilo badani dul hoganayaan hogaamintiisa iyo xukuumada uu soo dhisay ayaa u muuqda mid ku waji gabax kala kulmya talaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee uu qaaday bilihii ugu dambeeyey.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaana guuldaro kala kulmay talaabooyin uu qaaday oo ogolaansho uga baahnaa golaha wakiilada somaliland ka dib markii uu golahaasi ka horyimid.

Talaabooyinka madaxweyne Muuse Biixi guuldarada kala kulmay ee ay baarlamaanku ka diideen ayaa waxa ka mid ah go’aankii uu xaalada degdega ku galiyey sadexda degmo ee ka tirsan gobolka Sanaag, taas oo golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah ku hor istaageen ka dib markii ay sheegeen inaanay suuragal ahayn qorshaha madaxweynuhu.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa guuldaro ka wajahaya talaabadii ay xukuumadiisu ku xidhay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada, kaas oo xoriyadiisa laga qaaday isaga oo huwan xasaanadii uu dastuurku siiyey.

Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo ku doodaysa in xildhibaan Dhakool ka horyimid xuska 18-ka May ayaa golaha wakiilada ka codsatay in xasaanada laga qaado xildhibaankaas oo xidhan balse fadhi ay maanta yeesheen guddida joogtada ah ee golahaasi ayey kaga horyimaadeen qorshaha xukuumada.

Guddida joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa sheegay inaanay xasaanada ka qaadayn xildhibaan Dhakool isla markaana uu sharci daro ku xidhan yahay, iyaga oo xukuumada ugu baaqay inay xoriyadiisa u soo celiso, go’aankaas oo waji gabax ku riday madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa oo haatan u muuqda inay ku fashilmeen qorshihii ay ku xidheen xildhibaan Dhakool.

Talaabooyinka uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi ee uu fashilka kala kulmay ayaa dadka siyaasada falanqeeyaa ku tilmaamayaan inay sababtay madaxweynaha oo isku koobay taladii isla markaana kaligii go’aanka gaadhaya, balse looga baahan yahay inuu la tashi badan sameeyo inta aanu qaadan go’aamada waa weyn.