Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Oo Si Kulul U Hadley , Xukumada Iyo Dawlada Hoose-na Eedeeyey + [ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Md Xassan Bulbul ayaa waxaa uu si kulul uga Hadley doox biyo mareen ah oo Hotel-kiisa hor mara kaas oo ciid iyo xashiish gufeyeen isla markaana biyihii mari lahaa ay Hotel-kiisa kadinka ka soo galeen

https://youtube.com/watch?v=OqSHcEfX1Jc

Waxaa uu sheegay in Biyihii shalay Hotelka soo galay ayaa dhamaan hotel-ka saameyn ku yeeshay waxaana ay dumiyeen gidaarkii danbe ee Hotel-ka , waxaana uu sheegey mulkiiluhu in ay arintani tahay markii labaad ee ay dhacdo 5 sanno gudahood

Mulkiilaha ayaa waxaa uu eedeymo u jeediyey dawlada dhexe iyo dawlada Hoose ee Hargeysa oo uu xusay in ilaa hada aaney ka soo war doonin khasaaraha ku dhacay