Shirkadda Facebook Oo Lagu Eedeeyey In Ay Kooto Ku Qabsatay War Is Gaadhsiinta Bulshada

Shirkadda Facebook ayaa si degdeg ah u diidday baaq uga yimi Chris Hughes oo soo jeediyey in shirkadda loo qaybiyo saddex shirkadood oo kala madaxbannaan oo maamula saddexda shabakadood ee ay ka kooban tahay.

Chris Hughes oo aasaaskii shirkadda Facebook qayb ka ahaa, isla markaana mar afhayeen u ahaa ayaa baaqan kaga jawaabayey eedo ay sharciyaqaanno ka tirsan wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka oo dalbanaya in Facebook lagu sameeyo baadhitaan sharci oo lagu ogaanayo in ay jebisay xeerarka ka yaalla kootaysiga adeegyada iyo ganacsiyada.

Qaar ka mid ah sharci dejiyeyaasha Maraykanka ayaa iyaguna dalbanaya in guud ahaanba shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda loo burburiyo shirkado mid kastaa qabato mid ka mid ah adeegyada tirada badan ee ay shirkadda keliya ku ururiyeen, iyo in dawladda Federaalka Maraykanku soo saarto xeerar nidaamiyeyaal iyo sharci lagu ilaalinayo xogta gaarka ah dadka ee ay shirkadahaasi hayaan.

Chris Hughes oo ay xilligii waxbarashada jaamacadda saaxiib ahaayeen Mark Zuckerberg oo ah agaasimaha iyo aasaasaha Facebook, maqaal uu ku qoray wargeyska New York Times waxa uu ku yidhi, “Waxa aynu nahay ummad dhaqan u leh in ay jebiso kootaysiga, xitaa haddii uu yahay kootaysi ku yimi niyadwanaagga shirkadaha.” Chris Hughes oo sii wata qoraalkiisa ayaa si toos ah u magacaabay saaxiibkiisa maamula Facebook oo uu u arko in uu kootaystay war-isgaadhsiintii bulshada, waxa aanu qoray, “Awoodda Marck, waa mid aanu nooceed hore u soo marin dunida, waxa aanay ka hor imanaysaa dhaqankii Maraykan ee dhinaca kootaysiga”

Laakiin shirkadda Facebook waxa ay markiiba si cad u diidday baaqa Hughes ee ahaa in shirkado kala madax bannaan laga dhigo adeegyada WhatsApp ka, Instegram ka iyo Facebook, waxa aanay dalbatay in inta la eegayo adeegyadeedan isku shirkadda keliya ah ay muhiim tahay in xoogga la saaro nidaaminta iyo horumarinta Internet ka oo qudhiisu kooto noqday.

Afhayeen u hadlay shirkadda oo lagu magacaabo Nick Clegg ayaa warmurtiyeed uu arrintan ka soo saaray ku sheegay in shirkadda Facebook ay garawsan tahay in guusha ay gaadhay ay qasab ka dhigayso in ay la xisaabtan marto, laakiin haddana aanay suurtgal ahayn la xisaabtanku uu keeno in lagu baaqo in shirkad Maraykan oo guul gaadhay la qaybiyo”.

Richard Blumenthal oo ah xildhibaan ka soo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga oo ka tirsan golaha odayaasha ee Maraykanka ayaa mar uu arrintan ka hadlay waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in shirkadda Facebook la qaybiyo, sida oo kalana ay waajib ku tahay in waaxda la dagaallanka kootaysiga ee wasaaradda cadaaladda Maraykanku ay bilowdo baadhitaan la xidhiidha kootaysiga shirkaddan”

Chris Hughes waxa uu ahaa qofka saddexaad ee qaybta ka ahaa aasaaskii shabakadda Facebook oo ahaa sannadkii 2004-ta. Markaas oo aasaasaha koowaad ee hadda shirkadda hoggaamiya Marck Zuckerberg iyo Dustin Moskovits oo saddexdooduba ay wada dhiganayeen jaamacadda Harvard ay bilaabeen fikirka aasaasidda shabakaddan.

Laakiin Hughes sannadkii 2007 da ayaa uu iskaga tegey Facebook, isaga oo markaas qiray in uu saddexdii sano ee shirkadda Facebook jirtay ka urursaday faa’iido dhan Nus Bilyan doolarka Maraykanka.