TAARIIKH.DII ALLE. HAW NAXARIISTEE CISMAAN CAWAD BADHADHA OO WARIYE. AXMED SICIID CIGE KA WARBIXINAAYO

Burco (Salaanmedia.com)- Ilaahay ha u naxariisto Cismaan Cawad {Cismaan Badha-badha} oo xalay 26.5.2019 ku geeriyooday Magaalada Burco .

Cismaan Badha-badha wuxuu ahaa oday ganacsade caan ahaa
oo ka mid ahaa acyaanta gobolka togdheer iyo guud ahaan somaliland . wuxuu ahaa saaxiibkii aabahay iyadoo huteelkii caanka ahaa ee Cismaan Badha-badha iyo dukaankii aabahay Siciid Cige ee suuqa badhtamaha ee Burco ee xamartu ay iska soo horjeedeen . markaan ardeyga ahaa aad ayuu ii dhiirigelin jiray Cismaan Badha-badha oo nin ilbaxa ayuu ahaa oo cibaado badan. Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan qoyska reer Cismaan Badha-badha , Reer Burco , iyo shacabka oo dhan..Taariikhadiisa oo kooban hoos ka akhri :

“Xaaji Cismaan Cawad Maxamuud {cismaan Badha-badha} wuxuu ku dhashay miyiga degmada Burco qiyaastii 1908 .markuu gaashaanqaaday ayuu tegay magaalada jigjiga oo uu ka furtay hudheel cunto 1932 sida uu sheegay Maxamed Axmed-yaasiin Gabay-xaddi oo qoyska ka tirsani . Cismaan Badha-badha wuxuu ku soo laabtay magaaladiisii Burco 1944 oo uu ka furtay hudheelkiiisii caanka ahaa ee suuqa xamarta ee badhtamaha Burco , kassoo ahaa hudheelkii ugu horreeyay ee cuntooyin kala duwan oo casri ahaa laga heli jiray sida; Mukhbaazada iyo bariis dheriga ” . wuxuu ka soo qayb qaatay halgankii xornimada ee gumeysigii ingiriiska isagoo ka mid ahaa Xisbigii SNL markii danbena Xisbigii
SDU . ilaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa oday naxariis badan oo dhallinyaro badan ka bixin jiray kharashka waxbarashada . wuxuu caan ku ahaa samofalka iyo cibaadada oo uu masaajid ka dhisay Burco ..nin kaftan badan oo farxad badnaa oo odayaasha magaalada ka mid ahaa isagoo ka mid noqday golaha deegaanka ee Burco sanadihii sideetanaadkii . kaalin weyn ayuu ku lahaa nabadeyntii iyo dhismaha dowladnimada somaliland ” . wuxuu ii sheegay Maxamed Axmed-yaashiin gabay-xaddi inuu marxuumkuu Cismaan Badha-badha kaga tegay Ifka hal xaas iyo 76 isugu jira caruurtu dhalay iyo waxay sii dhaleen .ilaahay janadii fardowsa ha ka waraabiyo.AAMIIN .

Wariye : Ahmed sicii cige