Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Wasaaraddaas Ka Bilaamay Nidaam qaraabo-kiilnimo Ah + [ Talaabooyinka Uu Ku Dhaqaaqay }

Hargaysa {Salaanmedia.com) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye,ayaa qaaday tallaabooyin u muuqda qaar dib-u-istaadhaya buuqii iyo is-qab-qabsigii ka dhex jiray Wasaraadda Warfaafinta Somaliland.

Masuuliyiinta cusub ee Wasaaradda oo haatan muddo kooban hayay xilka Wasaaradda,ayaa durtaba ku dhaqaaqay go’aamo keeni kara inay meesha ka baxdo filashadii Bulshadda ee ahayd inay Waasaraddu si habsami ah u shaqayso,maadama sababta uu Madaxweynuhu ugu soo magacaabay ahayd inay Wasaaradda u keenaan xal ka duwan kii ay markii hore ku jirtay.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye,waxa uu sameeyay laba Xil-ka-qaadisood,kuwaas oo uu ku sameeyay Labadda Waaxood oo kala ah Wararka iyo Barnaamijyadda ee Tv-ga qaranka.

Tusaale ahaan, Waaxda Wararka ee Tv-ga waxa wada joogay Maxamed Cabdilaahi Shabeel iyo Maxamed Foosi

Wasiirka ayaa Madaxii Wararka Ee Tv-ga Qaranka Maxamed-Shabeel Masuuliyaddii Wararka si toos ah ugu wareejiyay Abiib Iimaan Xasan oo loo magacaabay,Wasiirku waxa uu abiib ku war-galiyay inuu Maxamed Foosi Ku-xigeen u noqon doono isla markaana aanu xilka ka qaadin ,taas oo ka yaabisay shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta.

Sidoo kale wasiirka ayaan xilkiisa ka qaadin ku xigeenkii madaxa Barnaamij-yada

Dadka Wasiirka xog-ogaalka u ahi waxay sheegaan in Maxamed Muuse Diiriye yahay shaqsi si weyn ugu dhaqma qabyaaladda,waxaana lagu sheegay sababta uu ugu sii hayo Waaxda Wararka ee Tv-ga ay tahay maadama ay Xaaska Wasiirku eddo ruma u tahay.

Arrin kale ayaa iyana ka dhacday Wasaaradda intii uu joogay Wasiirku,waxaana uu Wasiirku Waaxda qorshaynta ee Wasaaradda u magacaabay Masuul ay isku beel yihiin oo xataa aan ka tirsanayn Wasaaradda warfaafinta isla markaana qurbaha ka yimid

Dhinaca kalena,waxa uu Wasiirku faro-galin ku sameeyay Kal-tankii Labadda Wariye ee Wasaaradda ugu qoran Madaxtooyadda ee Ridwaan Caydiid Ismaaciil Iyo Axmed-Zaki Daahir Xasan , kuwaas oo midna Afar Cisho shaqadda lahaa,ka kalena Saddex cisho lahaa ,taas oo lagu soo shaqaynayay Sannad iyo badhkii ay Xukuumaddu jirtay.

Haatan Wasiirku waxa uu wadaa qorshe wax lagaga bedelayo Kal-tankaaskaasi

Arrimahan iyo kuwo kale oo aad u badan ayaa hadheeyay Wasaaradda,waxaana muuqato in Wasiirku Wakhti badan ku luminayo arimo ay dadka qaar ku sifeeyeen in uu kala xigsanaayo shaqaalaha wasaraadiisa

Fiiro Gaar Ah :

La Soco Qeybaha Danbe Oo Aynu Ku Soo Qaadan Doono Agaasime Waaxeed-yada Wasaarada Warfaafinta Iyo Cida Ugu Badan