Whatsapp Oo Budhcadda Internet Ku U Dhacday Iyo Shirkadda Oo Macaamiisheeda Digniin U Dirtay

Shirkadda WhatsApp ayaa salaasadii shalay ee 14 ka May soo saartay war ay ku sheegayso in budhcadda internet ku ay ka faa’iidaysteen galdaloolo dhinaca ammaanka ah oo ay ka heleen samayska WhatsApp baraha xidhiidhka bulshada midka loogu isticmaal badan yahay adduunka oo dhan.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in budhcaddu ay gudaha u gashay samayska WhatsApp fursadna u heshay in ay ku dhex beerto barnaamij basaasid ah oo aad u khatar badan, sidaa awgeed waxa ay shirkaddu macaamiisheeda u sheegtay in ay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu cusboonaysiiyaan nuqulka WhatsApp ka ee ay isticmaalayaan. Waxa kale oo ay shirkaddu sheegtay in dacwad budhcaddaas ka dhan ah ay u gudbisay wasaaradda caddaaladda ee dalka Maraykanka.

Wargeyska Financial Times oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa warbixin uu arrintan ka qoray ku sheegay in weerarka budhcaddu ku soo qaadday Shirkadda WhatsApp oo ay macaamiisheedu kor u dhaafayaan 1.5 Bilyan uu ka yimi shirkad aan weli la aqoonsan oo deggen Israa’iil, laguna tuhunsan yahay in ay dawlado Bariga dhexe ka mid ah ka caawinaysay dhegeysiga hadallada ay WhatsApp ka kaga xidhiidhaan wariyeyaasha iyo dadka arrimaha siyaasadda ka shaqeeyaa.

Inkasta oo ay shirkaddu qiratay in weerarka lagu soo qaaday uu ahaa mid aad u casri ah, haddana waxa ay ka gaabsatay in ay sheegto dadka uu weerarkaasi sida gaarka ah akoonnadooda WhatsApp ka u beegsaday.