Faallo” Kulmiye Oo Ay ka sii Khiikh Leedahay ( Abdi-shotaly).

Abdi Shootali Media: Faallo” Kumlmiye Oo Ay ka sii Khiikh Leedahay ( Abdi-shotaly).

Qofka ay caleentiisu cadaato, ee afar-tankii ugu dambeeyey ku jira noloshaiisa ( the last 40 days of his or her life), waxa uu leeyahay calaamado lagu garto, oo ah in ay ka sii socoto, waxana ka mid ah ruuxaas oo meel kasta isku qaadda, is yidhaahana malaha halkan baad ku badbaadaysaa ee daf dheh, xiiqsan oo wax ka xaaraanti-masysani aanay jirin haba-yaraatee, noloshii-suna wuu nacaa inta badan qof-kaasi, waxana ugu wacan, isaga oo is leh wax-ba kuuma hadhine, wax kaste isi sii kaba raaci, oo yaanay kaa dambayn. marka qof uu ku raago xanuun, ka bugsan waayo ee uu ku silco, aakhirka waxa la arkaa iyadda oo ka sii daraaya maalin-ba ta ka dambaysa, qaybo badan oo jidh-kiisii ahina ay kaba baxday, g…
[10:41, 20/6/2019] Abdi Shootali Media: Faallo” Kumlmiye Oo Ay ka sii Khiikh Leedahay ( Abdi-shotaly).

Qofka ay caleentiisu cadaato, ee afar-tankii ugu dambeeyey ku jira noloshaiisa ( the last 40 days of his or her life), waxa uu leeyahay calaamado lagu garto, oo ah in ay ka sii socoto, waxana ka mid ah ruuxaas oo meel kasta isku qaadda, is yidhaahana malaha halkan baad ku badbaadaysaa ee daf dheh, xiiqsan oo wax ka xaaraanti-masysani aanay jirin haba-yaraatee, noloshii-suna wuu nacaa inta badan qof-kaasi, waxana ugu wacan, isaga oo is leh wax-ba kuuma hadhine, wax kaste isi sii kaba raaci, oo yaanay kaa dambayn. marka qof uu ku raago xanuun, ka bugsan waayo ee uu ku silco, aakhirka waxa la arkaa iyadda oo ka sii daraaya maalin-ba ta ka dambaysa, qaybo badan oo jidh-kiisii ahina ay kaba baxday, g…
[14:19, 20/6/2019] Abdi Shootali Media: Kan geli ka hore cinwaanka ereyga Kulmye baa khaldanaaye.

Faallo” Kulmiye Oo Ay ka sii Khiikh Leedahay ( Abdi-shotaly).

Qofka ay caleentiisu cadaato, ee afar-tankii ugu dambeeyey ku jira noloshaiisa ( the last 40 days of his or her life), waxa uu leeyahay calaamado lagu garto, oo ah in ay ka sii socoto, waxana ka mid ah ruuxaas oo meel kasta isku qaadda, is yidhaahana malaha halkan baad ku badbaadaysaa ee daf dheh, xiiqsan oo wax ka xaaraanti-masysani aanay jirin haba-yaraatee, noloshii-suna wuu nacaa inta badan qof-kaasi, waxana ugu wacan, isaga oo is leh wax-ba kuuma hadhine, wax kaste isi sii kaba raaci, oo yaanay kaa dambayn. marka qof uu ku raago xanuun, ka bugsan waayo ee uu ku silco, aakhirka waxa la arkaa iyadda oo ka sii daraaya maalin-ba ta ka dambaysa, qaybo badan oo jidh-kiisii ahina ay kaba baxday, gaar ahaana qaarkii dambe oo ka dhamaatay naftii, oo ay weli ka sii khiikh leedahay dhuunta, markaas naf-la-caaridkii isaga oo intii hoose mayd tahay, buu ku waashaa waxa la yidhi, waxaas baa kuu dawo ahe ii doono, ilayn way shiday-saaye, oo rafadkii ugu dambayeeyey buu sii galgala-nayaa, markaas buu intii dul joogtay sii cunaa, oo canaan iyo waxb-a ii qaban-maysaan diirka kaga saarayaa, maxay-se ku tari karaan, ma hadal-kiisa baa naf u jooji-naaya, xeraddii illaahay ugu tallo galayee aakhiro, bay jeexii hoose la gashaye, ma dibay uga soo baxaysaa, oo dadkan ku wareegsan baa neef-afuufaaya? jawaabtu waa maya, ee sidaas buu halkii loo badnaa ku tegayaa, ayaamo ka bacdi, marka dhuunta uu ka sii khiikh leeyahay-na ay waydaarto naftu.

Somaliland waa tii la yidhi “Ayaan daran aaba-heeddhimaye” Nin qabiil watiyo qaran-nimo kala dheere, askarigan xubintii la jaro-ba, nacayb beeleed baa googoysay, nin dan ummadeed ka talinaaya maaha, ee waa xoogsi tag aan ujeedo iyo ka jeedo kale mid-na aan lahayne, maxaa tallo ah? Ujeedadda iyo hoos u dhaadha-cayga, aan u soo qaatay, sheekadan yar ee sare tusaalaha-na aan kuu siiyey akhristaw, waxa weeye, Xusbigii kulmiye qaarkii dambe bay naftii ka baxday, oo duunta ilaa afkii ay dhaafaysay bay ku meerasa-naysaa ama ku wareegaysaa, madaxii ka sareeyey afka, ee ay maskaxdu ku jirtay-na, ee wax maamuli lahayd-na way soo idlaatay, oo haatan waa goof ka guuraa ah, intii sii dhaqdha-qaaqay-sayna  beri hore bay ka huleeleen, waxa ka mid ahaa Sidda Hogaamiyaha Xusbiga Waddani, Mudane Xirsi X Cali, M. Biixi Yoonis, Abiib Tima-cad, M. Xuseen Caydiid iyo qaar kaloo badan, Cabdilaahi Ciiro, Ina Jaambiir, Ismaaciil yare, Ina Khaliif, Profaysar Geedeeye, Cabdalle maxamed carrab ( cabdalle sandheere), Cali Jaamac Cawaale iyo qaar kaloo badan oo ciidaa camaaray ah. waxa isugu hadhay qaar meel ay wax ka qabtaan aan garanayn, oo xil doon uun ah, oo haday yuhuudu tidhaaho mucaaridka soo xasuuqa, ay iyaka u daran tahay uun wax ay dhuunta mariyaan. Sidda Minigste, Ina Xaashi, Ina Gaafaadhi, Maraanka burco ka ah Maayarka, Maayarka Berbera, Ka imika loo xil saaray deked lagu kala tegay, ee maareeyaha looga dhigay, Cadaani, ka imika wasiir ku sheega ka ah labadda wasaaradood, sacad Xaaji cali shire oo lagu xan qarsado iyo in ka sii liidata, intaas oo dhan baa meesha u jooga in ay xididda u saaraan somaliland, siddii awrkii xaalfu daaqa ahaa, ee aan ka tegi jirin dudadda reerka, degalka reerku yaalo uun rifi jirey, oo iyakuna ummaddii fagtay, meel u noolina aanay jirin.

Weli ma cas-casa’e, Waxan ku soo seeteeyey qoraalkan, Nin dhintay sooma noolaado, kulmiye iyo askar-tanina qaarkii dambe bay kaga sii jirtaa, dhawaana way dhaafaysaa, ee ila dhawra, Waxan muwaadin kuu yara qeexayaa, oo aan rabaa in aan idin tuso, in aanay ku hadhin wax laga sugaa Kulmiye, waxa la yidhi ” balaayo-ba-balaayo bay ka subxaana-laystaaye” Waxa aan hore inoo soo marin intii Somaliland jirtay, baa laga hayaa  Kulmiye, marka uu meel tegaayo, dhamaan hay’yadaha dawladda, wasaradaha, ardaydda dusiyadda ( Kuli kuwa hoose, dhexe, sare) iyo jaamacadaha, shaqaalaha dawladda, baa amar waxa lagu siiyaa, isi sii tuba dariiq-yadda ilaa iyo guriga naxliga lagu qaybiyo ( Waa Xaafad-tooyada’e). Waa su’aale hadaba, maxaa ku kelifay in amar noocaas ah la bixiyo? Waxay tahay jawaabtu, mid cadaan ah, qeexan oon mad-madaw lahayn, been, warwareeg iyo dafi-raad mid-na aanay ku jirin, ee sidda cadcee-daas u waadix ah, aan ku hor keena’e, sababtu waxa weeye, dalkii badh baa la goostay, oo Puntland u gacan galay, dadkii way ka dareereen, bacaad buu hoganayaa, Kulmiye iyo inta boobka u joogtaa meesha, qof u soo baxyaa ma jiro oo shicib ahi, marka laga reebo kuwaas is tuska u hor ordaaya.

* N.B Ayaan Daran Aaba-heed Dhimay.
Qore:- Abdi-shotaly