Akhriso Warbixin Fashilisay Fadeexado liddi ku ah Diinta Islaamka & Dhaqanka suubban oo ka soo if-baxay XARUNTA DHAQANKA EE HARGEYSA iyo Dareenka Bulshada

Todobaadkan waxa baraha Bulshada si weyn u qabsaday fal-celin dareen diidmo ah xambaarsan oo lagu faaqidayo Barmaamuj bandhig ay u samaysay xarunta dhaqanka ee Magaalada Hargeysa, Kaasoo ay hal-ku-dhig uga dhigtay xaruntu “todobaadka Caaddada Dumarka”.

 

Bandhigan oo la qabtay todobaadkii hore, ayaa Waxa uu dhaliyey cambaareyn loo jeedinayo xarunta qabatay, waxaana lagu tilmaamay inay tahay arrin ka hor-imanaysa Dhaqanka iyo Diinta.
Tobanaan Qormo oo lagu taxay baraha Bulshada, ayaa lagu dhaleeceeyey arrintaasi, iyadoo dadku isku raaceen in meel-ka-dhac loogu geystay cirdiga iyo sharafta Haweenka.

 

Waxaana kamid ah aragtiyaha Dadka ka hadlay arrintaasi Maalinta Caadada amma Xayska Haweenka oo luuqada qalaad lagu yidhaahdo (Menstrual Hygiene Day (MH Day)), waxa hindisay sanadkii 2013-kii Kooxo iyo shakhsiyaad u ololleeya arrintan oo aan dawli ahayn, kuwaasoo ay ugu horeeyey Urur la yidhaahdo German non-profit WASH United , kaasoo isagu daah-furay barmaamuj higsigiisa iyo hiraalkiisuba ku kooban yihiin Dhiiga Gabdhaha loo arko xaalad caadi ah oo aan lagu takoorin, gabadhuna marka ay la soo deristo xaaladaasi ay sheegto oo aanay la xishoonin. Tobanaan Urur oo kale ayaa iyaguna barmaamujkan ka bilaabay wadamada reer galbeedka, iyagoo sameeyey Kaambeyno lagaga sheekaynayo saameynta ay Haweenka ku keento Caadadu, waxaana Ururradaas ku jira qaar sidoo kale u Ololleeya Jinsiga iyo kuwa horumariya dhaqamo diimaha badankooda khilaafaya, iyagoo wadamada ay fikrada isku dayeen inay ku faafiyeen kala kulmay diidmo dadweyne.

Qorshaha hir-gelinta maalintan waxa kamid ah inay wadamada laga ogolaadaa sameeyaan xeerar gaar ah oo lagu dhaqayo dumarku markay Dhiiga Xayska helaan, shuruucdaasoo la xidhiidha dhinaca Shaqada oo ay ku dooddayaan inay Gabadhu fasax ka hesho shaqada wakhtigaas, taasoo wadanka Zambia ka abuurtay jahawareer. Jahawareerkaasoo ka dhashay mugdi fara badan iyo ujeeddooyin dhaawacaya caqiiqdooyinka bulshada oo ku lamaan Sharcigaas, waxaanay ka talo-bixinayaan hab-nadaafaddeedka gabadha ee wakhtiga Dhiigga, taasoo sida loo buun-buunayo laga dareemayo inay ujeeddadu ka qoto dheertahay xaalada dabeeciga ah ee ay la tacaamulkeeda Haweenku la noolaayeen intii aadamuhu jiray. Inkasta oo Barmaamujkan ay Taageero u fidiyeen Dawladdaha reer Galbeedka qaarkood, haddana waxa hubaal ah inay daaha-dabadiisa ka taageeraan Hay’addo xag-jir ah oo dagaal kula jira Dhaqamada iyo Diimaha wadamada saboolka ah, waxaanay gala-galaysi la sameeyaan Ururrada ka shaqeeya arrimaha Bulshada iyo Dawladdaha haddiii ay fursad ogolaanshiyeed ka helaan.

Haddaba Somaliland oo ah dal Islaam ah 100%, kana mid ah Dalalka ay dadyowgoodu ku adag yihiin dhaqanka iyo Diiinta, ayaa waxa mashruucan soo geliyey Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, taasoo 28-kii bisha May munaasibad dabaal-deg ah ku qabatay xarunteeda Magaalada Hargeysa. Waxaana tan iyo markii Xafladaasi ay qabatay ka dhashay fal-celin, iyadoo shacabka Somaliland oo dhaqanka iyo caqiidada diinta aad ugu adag kagaga hor yimaaddeen diidmo qayaxan.

Dhinaca Kale inta la war qabo waxaa iyada hore uga dhacday magaalada hargeisa in xarunta dhaqanka ee hargeisa ay dalka hore u keentay gabadh ajaanib ah oo u ololeysa guurka dadka isku jinsiga ah oo khudbad ka jeedisay xaruntaasi, taas oo shacabka ku dhaqan dalku ay culimo iyo aqoonyahanba si adag uga hor yimaadeen, masaajidada iyo goobaha lagu kulmana ka dhex abuurtay qas iyo jaahwareer.

Sidoo kale waxaa iyaguna Baraha bulshada lagu faafiyey bulshaduna aad uga hadashay xidhiidhka ka dhexeeya sawiro isku dhow oo lagu dhajiyey xarunta dhaqanka ee hargeisa iyo astaanta lagu yaqaano ururada gaalada ah ee lagu magacaabo “Iluminateirs” oo inta badan faafiyey diimaha kale ee ku lidiga ah Diinta Islaamka iyo Caqiiqada suuban.

Waxaaana Walaac xoogan iyo Dhaliilo la xidhiidha shaqada dhabta ah ee ay qabato laga muujiyey xaruntan isku magacowday Dhaqanka balse falalka iyo ficilada kasoo burqanaya ee bulshada ay ku baahinaysaa yihiin kuwo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba shacabka qaybihiisa kala duwani ku sifeeyeen in ay tahay arrimo fadeexad ku ah dhaqanka umada iyo diinta islaamkaba.

 

Dhinaca kale, waxa maanta warbaahinta la hadlay Abwaan Yuusuf Shaacir oo si adag u dhaliilay shaqada ay bulshada u hayso xaruntan oo uu sheegay inuu ka dacweeyey hay’adaha ay khusayso ee ay ka mid yihiin Wasaaradaha Warfaafinta iyo Diinta.

Sidoo kale, masuul ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo isaguna warbaahinta maanta la hadlay, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay albaabada u laabto Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu ku eedeeyey inay waddamo shisheeye ka soo qaadatay mashaariic liddi ku ah dhaqanka Bulshada iyo Diinta Islaamka.

 

Inta la ogyahay xarunta dhaqanka ee hargeisa ayaa iyadu mashaariicahan kala duwan ee ay ka fuliso dalka gudihiisa kasoo qaadata Ururo iyo Hay’ado Shishieeye oo xidhiidh toos ahna la leh.
Inkasta oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiinayo Xarunta dhaqan ee hargeisa arrimahan Shucaaca ku abuuray bulshada haddana wali nooma ay suurto galin.

 

La soco warbixino ka qotodheer kuwan oo ku saabsan arrintaasi.