Allah ha u naxariistee Jamaal Soofe Yaasiin (Jamaal Qadari) – oo Ku geeriyoodey dalka Qadar –

Jamaal Soofe Yaasiin (Jamaal Qadari) – oo Ku geeriyoodey dalka Qadar –

Allah.Ha.U.Naxariisto -dhamaabteen Samir iyo iimaan Jamaal Qadari

Allah.H.U.Naxariistee wuxuu ahaa ciyaartoy ka tilmaaman bahda kubada cagta ( SPORTS-KA) -wuxuu ahaa Xidig magaca Soomaliyeed qiimo wayn u soo jiiday -Jamaal Soofe Allah.H.U.N deegaan ahaan wuxuu ka soo jeedaa Gobolka Togdheer iyo deegaanka aad loo amaano ee Gaashaamo -haday noqoto in uu ahaa goolal dhaliye ( a person who keeps a record of the score in a game) tiraba sadex jeer 1985-86-87 wuxuu kor u qaaday baaxada iyo awooda kubada cagta ee gobolka Togdheer

Wuxuuna ahaa ciyaartoygii dhinaca dhulka u dhigay -Kismaayo -Banaadir -Marka -Baydhabo Wakhtiyada ciyaaraha dhamaan deegaanadaasi way ka sasi jireen Xidiga Jamaal Qadari -taana waxaa daliil u ah goal keeperkii rigoorayaasha qaban jiray ee C/Xaaq in uu qiray kubada Jamaal in uu qabto iska daaye -marka uu daawanayo Jamaal Soofe oo kubada ciyaaraya in uu taarabuunka ka soo dhaco -hadaba,khibrada iyo guulaha Jamaal kuma eeka dhulka Africa oo qudha,balse, khibradiisu waxay u gudubtay caalamka intiisa kale waxaanu noqday xidiga ugu goolasha badan tartanka qaarada khaliijka -Garoomo caalamiya.

Xulka Qadar wuxuu ka moosay guul darrooyin badan sida ciyaartii taariikhiga ahayd ee dhex martay XULKA BARCELONA iyo XULKA QADAR -guushaana waxaa soo hooyay Ciyaaryahan Jamaal Soofe Yaasiin ( Jamaal Gadari)

Lasoco qaybo kale oo ku saabsan Allah ha u naxariistee Marxuum Jamaal Soofe Yasiin.

Allaah Mahadle——By Cabdilahi Xasan Mataan