DAAWO:-Abiye Ahmed Oo Gaadhay Magaalada Khartuum Ee Dalka Suudaan.(Sawiro)

Jun 7 2019 Hargaysa (SM) – Abiye Ahmed Oo Gaadhay Magaalada Khartuum Ee Dalka Suudaan.(Sawiro)
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka degay magaalada Khartoum ee dalka Sudan, iyadoo booqashadiisa ay ku soo aaday, maalin kaddib markii Midowga Afrika uu hakiyay xubinnimadii dalka Sudan.

1

Abiy Axmed ayaa wada dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo dalka Sudan, kaddib markii uu xoogeystay dibad baxyada looga soo horjeedo Ciidamada Milateriga Sudan oo la wareegay talada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kula kulmay Madaxa Golaha Milateriga Sudan Gen. Abdel Fattah Al-Burhan, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo dejin lahaa xiisada, isla markaana Milateriga u abuuri lahaayeen hannaan talada dalka loogu celiyo Rayidka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmaya Hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha, waxaana la hadal hayaa in weli ay qeybo ka mid ah dalka Sudan ka jirto xiisadaha u dhaxeeya Dibad baxayaasha iyo Ciidamada Milateriga Sudan.

Maalmo ka hor Ciidamada Milateriga Sudan ayaa rasaas u adeegsaday dibad baxayaasha, kaddib markii ay isticmaaleen awood, waxaana rasaasta ku dhintay dad badan oo ka mid ah dibad baxayaasha.

Tan iyo markii uu xukunka ka degay Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, isla markaana ay talada dalka la wareegeen Milateriga dalkaas waxaa jiray dibad baxyo ay wadeen dadka reer Sudan oo ka soo horjeeday in talada ay la wareegaan Milateriga.
2

3

4