Dadka Baraha Bulshada Ee Internet Ka Isticmaala Oo La Ogaaday In Wararka Ay Helaan Boqolkiiba 86 Been Yihiin

Washington (Salaanmedia.com)- Rayi ururin caalamiya oo natiijadeeda la faafiyey salaasadii 11-ka Juun ayaa lagu
ogaaday in boqolkiiba 86 dadka baraha bulshada isticmaala ay ku dagmaan warar been abuur ah oo lagu
faafiyey shabadaha internet ka.

Kuwaas oo halka ugu badan ee lagu faafiyaa ay tahay Facebook. Dadka rayi-ururinta intii la waday wax la weydiiyey ayaa sheegay in ay dawladaha dalalkooda iyo
shirkadaha adeegyada tiknoolajiyadda bixiya ka dalbaday in ay ka hortagaan dhaqannada ah in warar been
ah la faafiyo, taas oo ay sheegeen in ay ugu dambaynta abuuri doonto in lagu kalsoonaan waayo
shabakadda Internet ka. Dhibaatada ugu badan ee ka dhalata wararka beenta ah ee lagu faafiyo baraha bulshada iyo guud ahaan
shabakadaha internet ka ayaa ah, marka wararka beenta ahi ay khuseeyaan dhaqaalaha ama siyaasadda.
Labadaa xaaladood oo ay abuuraan khatar ah khasaare dhaqaale iyo dhibaato amni.

Dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu yahay ka ugu badan adduunka ee baraha bulshada lagu faafiyo
wararka been abuurka iyo majara habaabinta ah, waxaa ku soo xiga dalalka Ruushka iyo dalka Shiinaha oo
sida ay u kala horreeyaan u sii kala daran. Sahamin sannadle ah oo ay samayso xarunta Ipsos ayaa wax weydiisay dad internet ka isticmaala oo
tiradoodu dhan tahay 25 kun oo ku kala nool 25 dal.

Waxaana u soo baxday in wararka been abuurka ah
ee ugu badan lagu faafiyo barta FACEBOOK laakiin aanu taas macnaheedu ahayn in ay ka maqan yihiin
baraha kale ee Twitter ku ka mid yahay.

Marka laga eego dhinaca rumaysashada wararka lagu faafiyo baraha bulshada, waa ay sahamintani
ogaatay in dadka sida ugu fudud wararkaas u qaataa ay yihiin dadka Masar oo si dhib yar loogu
khiyaamayn karo wararka baraha bulshada, halak dadka Baakistan ay noqdeen kuwa ugu adag, ee mar
kasta shakiga ka muujiya wararka ay ku arkaan baraha bulshada.

Waxa kale oo ay sahamintu ogaatay in bulshooyinka caalamka uu ku soo badanayo dareenka ah in aanay
ku kalsoonaan baraha bulshada, waxa kale oo aad u soo badanaya warwarka ay dadku ka qabaan
ammaanka xogahooda gaarka ah ee ugu kaydsan baraha bulshada, taas oo abuurtay in dad badani ay ka
feejignaadaan in ay xogo muhiim ah geliyaan baraha ay ku leeyihiin Facebook.

Rayi ururin ay intii u dhexeysay December 2018 kii illaa February 2019 ka samaysay xarunta xarunta
Center for Intarnational Governance innovation ayaa iyaduna muujisay in uu soo badanayo dareenka
shakiga ah ee ay dadku ka qabaan warbaahinta Bulshada.

Vince Ossler-Hampson oo madax ka ah xaruntan ayaa mar uu ka faallooday natiijadan u soo baxday ee ah
in uu dadka dunida ku soo badanayo dareenka kalsooni darro ee ay u hayaan baraha bulshada, waxa uu
sheegay in sahamintani ay muujinayso keliya jileeca ku jira Internet ka ee ah in aan la maamulin
xaqiiqada xogaha uu gudbinayo, laakiin haddana uu jiro dareen la mid ah oo ay dadka dunida ee
isticmaalaha baraha bulshadu ay si isa soo taraysa ugu diiddan yihiin in la xakameeyo ama in dawladaha
iyo shirkadaha tiknoolajiyaddu ay shuruuc iyo faafreeb ku soo rogaan baraha bulshada.