Dowladda Jabuuti Oo War Kasoo Saartay Maraakiib Dagaal Oo Ay Iran Leedahay

Hargaysa (Salaanmedia.com)

Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar soo baxay oo sheegaya inay biyaheeda u ogolaatay maraakiib dagaal oo ay leedahay Iran.

Safiirka Jabuuti ee dalka Sacuudiga, Dhiauddin Bamakhrama ayaa si kulul u beeniyey in maraakiib dagaal oo Iran leedahay ay ku sugan yihiin xuduud badeedka dalkiisa, wuxuuna ku adkeystay in Jabuuti ay weli xiriirkii ay u jartay Iran uu sidiisa yahay.

 

Ma jiro wax maraakiib dagaal oo Iran ay leedahay oo soo galay biyaha Jabuuti ama dekadaheeda” ayuu Dhiauddin Bamakhrama ku yiri bayaan uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray in wax xiriir ah uusan ka dhaxeyan labada dal.

Bishii Janaayo ee 2016, Jabuuti ayaa la safatay Sacuudiga, xiriirkana u jartay Iran kadib markii dibad-baxayaal ay galeen safaaradda Sacuudiga ee Tehran, iyo qunsuliyadeeda magaalada Mashahd taasi oo ka dambeysay markii Sacuudiga ay dileen wadaado shiico oo caan ahaa.