Haddii Aad Ogolaato In Lagu Basaaso Shirkadda FACEBOOK Waxay Ku Siinaysaa 20 Doolar

Burco (Salaanmedia.com) Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqay adeeg cusub oo ay u bixisay ‘Study’ kaas oo ay ujeedadiisu tahay in lala socdo sida aad u isticmaasho taleefankaaga gacanta, xogaha aad ku kaydsato iyo xidhiidhadaada, xogtaas oo loo gudbinayo shirkadda xidhiidhka bulshada ee FACEBOOK, kaddibna bil kasta ay ku siinayso lacag dhan 20 doolar. iyada oo shirkaddu kuu ballanqaadaysa in qiimaha lacagta lagu siinayaa uu la kordhi karo hadba miisaanka ay leedahay xogta laga helo taleefankaagu.

In macaamiisha xogtooda la xidhiidha iibka iyo arrimaha ganacsiga la ogaadaa waa arrin muddooyinkii dambe aad looga yaqaanno adduunka oo dhan, waana habka ay shirkadaha waaweyni ku ogaadaan wax ka beddelka ama horumarinta wax-soo-saarkooda.

Laakiin waa markii ugu horreysay ee si badheedh ah ay shirkadi macaamiisheeda ugu sheegto in ay ogolaadaan in la basaaso, si qaab isticmaalkaaga iyo xogtaada looga faa’iidaysto ganacsi ahaan.

Hore ayaa ay shirkadda Facebook buugg sannadkan horraantiisii dhibaato ugala kulantay adeeg kan ku dhowaa oo ay u bixisay ‘Facebook Researc’ kaas oo shirkadda u suurtagelinayey in ay dhex geli karto taleefannada gacanta ee dadka adeegsanayaa ay ka weyn yihiin 13 sano jir, si ay u ogaato hawlaha ay qabtaan iyo xogaha ganacsi ahaan macno yeelan kara ee ugu jira taleefanka. Arrintaas oo buuq badan oo sharci dhalisay, gaar ahaan ogolaanshiyo la’aanta iyo da’da ay ka bilaabeen oo aad u yar.

Laakiin adeeggan cusub ee ‘Facebook Study’ oo ay shirkaddu ku dhawaaqday salaasadii toddobaadkii hore, waxa uu shirkadda u suurtagelinayaa in ay gasho talaefannada gacanta ee dadka sitaa ay ka weyn yihiin 18 jir, sida oo kale waxa ay ka taxaddartay dhibta kaga iman karta sharci ahaan oo qofka waxa ay ka qaadatay ogolaanshiyo ka cad kii hore. Inkasta oo ay adeeggaas hore qudhiisa ku bixinaysay lacag dhan 20 doolar bishii.

Adeegga cusub xogaha uu shirkadda Facebook sida gaarka ah ugu diri doono waxaa ka mid ah, nooca shabakadda aad isticmaalayso, magacyada adeegyada iyo barnaamijyada kale ee kuugu jira taleefankaaga gacanta iyo sida aad ugu kala badan tahay isticmaalka adeegyadaas. Laakiin shirkadda Facebook oo ka hadashay adeeggan oo dad badan shaki geliyey, ayaa ku doodaysa in adeegyada qaar aanay xog kala bixi doonin, tusaale ahaan marka aad gasho qaybta dirista farriimaha ee taleefankaaga, adeeggani waa uu ku arkayaa, laakiin xog kaa diri mayo, mana ogaan karo waxa aad ku qorayso.

Adeegga hore ee Facebook Search arrimaha aad looga xumaaday ee uu lahaa, laakiin aanu adeeggan cusubi lahayn waxaa ka mid ahaa in uu sawir ka qaadan karayey waxyaabaha aad online ka iibsato iyo taariikhda iibkaasi dhaco, arrintaas oo xitaa sababtay in shirkadda weyn ee Apple ay ku wargeliso Facebook in ay meel kaga dhacayso heshiiskoodii ahaa in la ilaaliyo sirta gaarka ah, taas oo sababtay in shirkadda Apple ay si degdeg ah ‘App Store’ keeda uga saarto adeegga Facebook Research.

Shirkadda Facebook waxa ay adeeggan cusub ku bilaabi doontaa macaamiisha Facebook ee dalalka Maraykanka iyo Hindiya, maadaama oo labadaas dal aanay sida Midowga Yurub lahayn shuruuc si gaar ah u ilaalinaysa siraha gaarka ah ee dadka.