Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Wakiilka Cusub Ee Midowga Yurub + [ Sawiro ]

Muqdisho (Salaanmedia.com) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan dalka Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez iyagoo ka wada hadlay xoojinta xariirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya iyo dardar gelinta mashaariicda Midowga Yurub uu ka hirgelinayo dalka Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhowaynta ballaaran, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqayn doono dardargelinta mashaariicda ay dalka ka wadaan iyo xoojinta xariirka laba geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa midawga Yurub uga mahadceliyay taageerada ballaaran ee la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen taliyaha booliska, saraakiil sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo Safiirka cusub ee Midawga Yurub kaas oo looga hadlay horumarinta booliiska Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacya badan oo ay kamid tahay tababarrada ciidamada Booliiska si sare loogu qaado awoodda iyo xirfadda sugidda amniga muwaadiniinta.