Sacuudiga Oo Shuruud Cusub Ku Xidhay Xoolaha Somaliland Ee Xilliga Xajka

Hargaysa (Salaanmedia.com) Waddanka Sacuudiga ayaa sannadka shuruud cusub ku soo rogay xoolaha xilliga Xajka ee Somaliland.

Qoraal rasmiya oo ay u soo direen xukuumadda Somaliland ayay ku sheegeen in dawladda federaalka Soomaaliya sannadka bixin doonta waraaqda caafimaad ee xoolaha ka dhoofaya Dekedaha Somaliland

Wasiirka Xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland ayaa sheegay in aanay aqbalayn go’aankaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaa go’aansatay in xoolaha lagu dhoofiyo magaca Somaliland ama ay sannadka baaqsadaan.