Tacsi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI: Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Tacsi:-

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI:
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr:- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka iyo weliba taageerayaasha Xisbiga ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa-ba,

waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta, geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Rabbi ha u naxariiste Marxuum Jamaal soofe (Jamaal-Qatari) Ciyaaryahankii hore ee kubada cagta ee dawlada Qatar oo ku geeriyooday Magaalada dooxa ee dalka qatar

Ilaahay su’aasha ha u fududeeyo, dambigiisana ha dhaafo, Jannatul Firdowasana ha ugu deeqo. Dhammaan qoyskiisii, ehelkiisii, asxaabtiisii,samir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo.

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
Waaxda warfaafinta ee xisbiga WADDANI
Hargeysa Somaliland.

“Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Waddani”