Trump oo soo bandhigay Naqshada cusub ee Diyaaradaha Air Force One (Daaw Sawirro)

Trump oo soo bandhigay Naqshada cusub ee Diyaaradaha Air Force One (Daaw Sawirro)

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Warbaahinta usoo bandhigay nashqada cusub ee yeelaneyso diyaaradaha ay adeegsato Madaxtooyada Mareykanka ee loo yaqaan ‘Air Force One’.

Donald Trump ayaa naqshadan cusub ee loo sameenayo diyaaradaha Madaxtooyada Mareykanka soo bandhigay xili uu wareysi gaar ah siinayay  telefishinka ABC ee laga leeyahay Mareykanka.

Naqshadda cusub ee diyaaradaha Air Force One ayaa lagu xardhay midabbada casaanka, caddaan iyo buluug, waxa uuna xusay Madaxweyne Trump isaga oo gacanta ku haya naqshadan cusub in ay soo baxayaan diyaarado cusub oo aqalka cad leeyahay.

Waxa ay noqoneysaa markii ugu horeesay oo dib loo naqshadeeyo dayaaradahani tan iyo xilligii madaxweyne John F Kennedy, waxaana diyaaradahan cusub ee yeelaneyso Madaxtooyada Mareykanka ku baxaya Balaayiin Dollar.

Dadka dhaliila siyaasada Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in naqshadan cusub uu Madaxweynaha u xushay diyaaradaha Air Force ay u egyihiin diyaaradaha uu isagu sida gaarka ah u leeyahay.

Diyaaradaha Air Force oo ah Boeing 747s ayaa la isticmaalayay ku dhowaad 30 sano. Waxaana diyaaraddiiba ay ka kooban tahay saddex dabaq, daaqado aysan xabbadu karin, xarumo caafimaad iyo meel cunnada lagu kariyo.

Labadan Diyaaradood ee loo sameenayo Madaxtooyada dalka Mareykanka ayaa waxaa ku bixi doona kharash gaaraya 3.9 bilyan oo doolar, waxaana diyaaradahan la adeegsan doonaa marka uu aqalka cad baneeyo Madaxweyne Trump.