Waa Kuma Geeljiraha Majaraha U Haya Mustaqbalka Suudaan ?

Suudaan (Salaanmedia.com) Waxa uu ka soo jeedaa gobolka fog ee ku yaal Galbeedka dalka Sudan, halkaas oo siyaasadda, ganacsiga, iyo colaadduba ay isku dhafan yihiin.

Ninkan oo hormuud u ah siyaasadda dalka Sudan, ayaa horay uga ganacsan jiray geela, kaas oo dagaal u arka fursad uu noqon karo nin hodan ah oo awood badan.

Mohamed Hamdan Dagolo, oo loo yaqaan “Hemeti”, waa ninka labaad ee maanta ugu sarreeya militariga haya talada dalka Sudan.

Balse dhab ahaantii, Hemeti, oo yaraantiisii Iskuulka ka saaqiday ayaa haatan loo arkaa ninka ka dambeeyey rasaasta ka dhacaysa Khartoum.

Dagaal oogahaan ka soo jeeda gobolka Darfur ayaa xukuma kumanaan ciidan ah oo ka mushaar badan kana qalab wanaagsan ciidamada caadiga ah ee Sudan.

Waxa uuna haystaa lacago fara badan oo uu ku maalgaliyo maleeshiyaadkaas – waxa uu leeyahay goobo laga qodo dahabka oo ku yaal buuraha macdanta hodanka ku ah ee Sudan, waxa uuna ku tiirsan yahay saaxiibbo uu ku leeyahay Sacuudi Carabiya iyo xulufo kale oo Khaliijka ku sugan.