Ciidanka Jabhada Kornayl Caare Oo Ciidamada Qaranka Somaliland Afarta Dhinacba Ka Fadhiyaan Xaalada Oo Cirka Ku Shareeran

Ceerigaabo (Salaanmedia.com) Ciidamada Jabahda Kornayl caare oo ilaa shalayba ay diriri ku dhex mertay ciidanka qaranka Somaliland isla markaana dagaalkaasi oo lagu sheegay isku dhac khaldan ayaa sida lagu soo waraamaayo la sheegayaa in ay ciidamada jabahada Caare walaac ka muujiyeen habka ay xukuumadu ku doonayso in loo dhexdhexaadiyo

Hadaba si kastaba ha ahaatee sida ay ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya dhinacaa deegaanka Ceerigaabo ayaa lagu soo waramayaa in xaalada Ciidamada Jabhada Caare iyo Ciidamada qaranka Somaliland ay isku dul fadhiyaan Duleedka magaalada ceerigaabo oo dhinaca bari ka xigta 55 km xalaada ciidamada ayaa looga baqayaa in uu uu isku dhac kale halkaasi ka dhasho isla markaana dagaal qadhaadhi halkaasi ku dhex maro ciidamada jabahada Caare iyo Ciidamda Qaranka Somaliland. intaasi ka dib waxaa la sheegayaa in ay ukala dab qaadayaan dhinaca jabhada caare iyo xukuumada Odayaal Iyo Salaadiin Iyo Cuqaalba leh oo doonaya inay ku soo dabaalaan xaalada mid Nabadeed sidoo kale Waxaa la sheegayaa in ay maanta gaadheen dhinaca magaalada Ceerigaabo odayaal iyo siyaasiyiin Doonaya inay Dhexdhexaaadiyaan Xukuumada Somaliland iyo Ciidamada Jabahda Caare.

Intaasi ka dib Xaalada Ceerigaabo Ayaa caawa laga Dayrinayaa In Colaad Hor Lihi Ay ka Dhalato Is afgaran waa ka dhashay Xukuumada Iyo Ciidanka Jabhada Caare Balese Ilaahay Waxaan Uga Baryaynaa Inay Si Wacan Isu Af Gartaan Xukuumada Iyo Ciidanka Jabahadaa Caare Aamiin Aamiin

Wixii warar Ah ee soo kordhana Kala Soco Shabakada salaanmedia.comm