Jacayl-keennii Cadceedsay (Abdi-shotaly).

Jacayl-keennii Cadceedsay (Abdi-shotaly).

Taariikh-du iyadda baa isi soo celcelisa, oo is xusta, isna tilmaanta iyadda oo banaanka keenta, wixii hore ee ay jeeniga ku soo dhufatay, markii ay ka leexatay dhabaddii saxdda ahayd, tallo qaadan waayeen kuwii u gadh wadeenka ahaa, waano iyo wax sheeg, tusaalayn lagala quustay, mid walba laga indho saabtay, oo ay wixii waday is bideen, in xoog iyo cudud ay leeyihiin ku meel marsan karaan, cid is hor-taagi kartaana aanay jirin, markay sidaas isku qanciyeen, wax baad ku fushan kartaan, ilayn waa maskax daciif ah, oo ku jirta dar liita, kuwaas  oo aan qaadi karin, kana bixi karin is mood-siiska hamiga madhan ee ay la kaceene, Kibir iyo annaa wood leh ay halaabisay, laakiin-se arima-haasi ay been u sheegeen, ka bacdina xaajooyin-kaas sababihii dhaliyey iyo marxalad kasta siday u timi, qaabkii loo maareeyey, waxay ku dambysay ee ay cidhib-teedu noqotay iyo weliba wixii looga aayey shar iyo khayr, khasaare iyo faa’iido, waayo’aragnimo, bello iyo barwaaqo, wax korodhsi iyo dumis-ba, baynu halkan ku eegi doonaa akhristaw in yar, ee mudo il-bidhiq-siyo ah i amaanaysii wakhti-gaaga, haddii alle idmo, waana tan hoos ku taal ee ku soo dhawaadda.

Hadaan dib u yara jaleecno sooyaalkii aynu soo dhaafnay, ee aduunkan aynu dul saaranahay, inta wax is mooday ciidaa camaaray ka badan, ee iyaku dhulka isu gooyey aakhirkii, tanina dhabadaas caanka ah, ee ay ku rogmadeen kuwii ka horeeyey ee dariiqaas maray, laf-teedda bay cagta saartay, hadaana ay ku bilaabantay rogaal-celintii afka dhulka loo daraayey, bal u fiirsadda, Shaahii Iran, Xayla salaasihii Itoobioya, Jiim Paawal bukaasihii  Afrikadda dhexe ( Certral Afrika), Ian smith-kii  Koonfur Afrika ( Yaan si-miidh), Af-la-haarkii Somaliya, Kuwii carabta ee Masar, Sudaan, Libya, Tunisia, Cabdala Saalixii Yamaneed, Hitlarkii Jarmalka iyo Musaliini-ggii Talyaaniga, lama soo koobi karo inta keliggii taliya ka kacaday caalmaka iyo balnbalkii ka raacay, wixii ka qabsaday, halkay ku dambeyeen iyo siday u noqdeen maah-maahddii ahayd ” Wan weyni ilaa la gawraco, indhi-hiisu cirka ma arkaan”, wa sidda labadan askariye, ha ka maaleen hadaba, iyaka baa xabaasha isku ridaye.

Dheggii Illaah waaniyey baa waansane, dar aan aan garasho lagu ogayn, cuqdadina u sii dheer tahay, oo iyaka laf-toodu iska shakisan siday wax u wadaan, ah dhagax dixeed iyo mid qalbi xidhan, waa sidda ” Raggii ma adigaa ka  hadhay iyo geenyo shaaximane” weligood-ba aan kob cagaar leh ka soo durdurin, waxna aan loo diran jirin, uu hoogaankii isaga noqday, gobolan iyo burbur, kala yaac, qax, dhiig daataa, is nac, nacayb iyo colaad aan joogsan, cadaw loo jabo, maato iyo abaydin ku leedda ama dhinta, ummaddii gacmaha is haystay, ee wadda socotay-na waxay noqotaa tusbax go’ay, iyo canfarey firirig, iniba meeshay naf moodo bay foodda saartaa, waxana lagala hoos baxaa, isku darka duruufaha aan sare ku soo koobay iyo qaar ka sii daran. waxan uga socdaa hadaba, suugaan baa ahayd ” Waxaan hadal ii cuslaynin, caweysinka haadka duulay, cadaawihi buu ogaaday, ciyiggii waa ka beryey, ninkii cunay baa ka liita, ee jacayl-keennii cadceedsay”. Ujeedadu waxa weeye, waxa cadceedsaday oo meesha ka baxay beentii la isku maaweelin jirery ee ahayd Isaaq baa nala yidhaahaa, ee haduun bay runtii timi, oo aan dib dambe iyo tolaay la isula imanayn, ka sii xun tahay 100 jeer, halkii ay ka timi, ee ay umadani ka halgantay, haday gantaashu ku foorar-taaye, ka shib dhaha islaamay, naftii kii ladnaa gadaye, waxana ay taagan tahay hadeer gabayggii (Ihun) Ismaaciil mire ee ahaa ” Ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado.

* N.B  Ka shib dhaha islaamay, Naftii Kii Ladnaa Gadaye!
Qore;-Abdi-Shotaly.