Maamulka Puntland Oo Kaantaroolkii Garoowe U Soo Raray Xadka Laascaanood Iyo Saraakiil Ciidan Oo Ka Hadlay

HArgaysa (Salaanmedia.com)- Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa Kaantaroolka Laga galo Magaalada Garoowe u soo rarray Xuduudka Gobolka Sool, arrintaasina waxa ka cadhooday Ciidammada Millateriga ee Somaliland.

Saraakiil ka mid ah Ciidammada Qaranka oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta Kaantaroolka Garoowe ee la keenay Xuduudka Gobolka Sool iyo weliba dhul ballaadhsi ay Saraakiishu sheegeen in Puntland ka waddo deegaannada Bixin iyo Qol oo dhammaantood ka mid ah Gobolka Sool ee Somaliland.

Mid ka mid ah Saraakiisha la hadlay Saxaafadda ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Hartinimadu ma wax la isku dhacaa, waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. 3 Cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgalyadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga.”

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku hanjabay “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan…” ayuu yidhi.

Puntland ayaa sheegata Mulkiyadda Dhuleed ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo Somaliland Maamusha.