Maayarka Hargeysa oo Xadhigga ka jaray Sariibad loogu Magacdaray oo laga Hirgeliyey Suuqa Gobonimo

Hargeysa (SLpost)- Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), ayaa maanta xadhigga ka jaray sariibad cusub oo laga hirgeliyye suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa.

 

Sariibadda oo dhawaan la dhammaystiray dhismaheeda ayaa loogu magacdaray maayarka magaalada Md SOLTELCO, waxaana dhismaheeda iska kaashaday dowladda Hoose iyo ganacsatada wadhatada ah ee ka xoogsada suuqa Gobonimo.